Maraykanka oo Sheegay in Soomaaliya ku Dhawday in Cunaqabataynta Hubka laga Qaado

Muqdisho (aftahannews):- Dowladda Maraykanka, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku ammaantay inuu qaadayo tallaabooyin muhiim ah si uu u daboolo halbeegyada cunaqabateynta oo ay ku dhawday in dhawaan laga qaado haddii dedaalku sii socdo.

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Larry André, ayaa sheegay maaraynta hubka in ay Soomaaliya ka caawinayso fududaynta shuruudaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee qaadista nidaamka cunaqabataynta dalka saaran.

“Waxaan soo dhoweyneynaa horumarka la mahadiyo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan maareynta hubka iyo kaydka. Waxka bedelka lagu sameeyay qaraarka hadda jira ayaa ka tarjumaya horumarkaas iyo aqoonsiga shaqada ay Soomaaliya sii waddo.” ayuu yidhi Safiirka Maraykanku.

Safiirku wuxuu sheegay in dowladda Mareykanka ay weli ka go’antay in ay sii waddo taageerada Soomaaliya iyo in la xaqiijiyo in Ciidammada Soomaaliya ay helaan hubka ay u baahan yihiin si ay uga adkaadaan Al-Shabaab, iyadoo la yareynayo khatarta ah in hubku uu galo gacmo qaldan.

“Tusaale ahaan, shantii sano ee la soo dhaafay, annaga oo kaashanayna iskaashiga weyn ee aan la leenahay HALO Trust iyo Ciidammada Amniga Soomaaliyeed, waxaan meesha ka saarnay 15 tan oo rasaas duugowday ah,  oo aan la isticmaali karin iyo kuwa xasilloon. Iskaashigayagu waxa uu tabobbaray in ka badan 225 shaqaale ah iyo maareynta kaydka si loo hubiyo in tas-hiilaadka looga faa’iidaysto; si badbaado leh oo wax ku ool ah, marka loo eego hababka ugu wanaagsan ee caalamiga ah.” ayuu hadalkii ku daray Safiir Larry André.

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, ayaa hadalkan ka sheegay Shirka ku saabsanaa maaraynta hubka, kaas oo lagu qabtay  magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.