Somalia: Dowladda oo Baadhaysa Shirkado Sharciyo Been ah u Samaystay Tartanka Xajka

Muqdisho (aftahannews):- Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay inay baadhayso Shirkado Sharciyo been abuur ah u samaystay Moosinka Xajka.

Qoraal maanta ka soo baxay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, ayaa lagu sheegay in Xafiisku baadhis ku hayo shirkado lagu tuhmayo in ay sameeyaan documents been abuur ah si ay uga qeyb-galaan Tartanka adeegga Xajka.

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ee dowladda Soomaaliya, ayaa ku wargeliyay Hay’adaha ay baadhistani qusayso inay si degdeg ah usoo gudbiyaan warbixinnada quseeya baadhistan, si ay dowladdu waajibaadkeeda uga gudato dadka ku lugta leh arrimahan.

Xeer-ilaaliyaha guud, ayaa digniin u diray Shirkadaha nooc kaste oo ay yihiin inay ka feejignaadaan Dhukumentiyada been-abuurka ah.

Warkan ka soo baxay xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya, ayaa yimid, xilli shirkado badan oo dalka ku sugan ay loollan ugu jiraan inay ku guulaystaan qandaraaska xujeyda ee sannadkan.

Kumannaan Soomaali ah, ayaa sannad walba soo guta acmaasha Xajka.

Shirkadaha duullimaadyada ee hela qandaraaska Xajka, ayaa Xujeyda ka qaata lacag kor u dhaafaysa shan kun oo Doollar oo ah adeegga Xujeyda dalka ka dhoofaysa, taas oo ka badan Lacagaha ay Xajka ku tagaan Dadka ka Xajaya Dalalka Jaar, sida Itoobiya, Kenya, Djibouti iyo kuwo kale.

Warka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya 2023
Warka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya 2023