Somaliland: Wasiir Koore Muxuu ka yidhi in Xafiiskiisa lagu Weeraray?

Hargeysa (aftahannews):- Wasiirka Warfaafinta,  Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa beeniyay warar warbaahinta qaar qortay oo sheegaya in Ciidammo hubaysani ay xafiiskiisa ku weerareen.

Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in aanu isagu akhrisan wararka laga qoray, isla markaana anay dhibaynin. Laakiin, markasta qaraabada iyo Asxaabtiisu ay ka murugoodaan oo ay run u qaataan, isaga oo beeniyay wararka maalmihii u danbeeyay qaar ka mid ah baraha bulshada lagu faafinayay.

“Mar ay yidhaaahdaan waa la weerayay iyo mar ay yidhaahdaan wuu is casilay, subax kasta oo aan soo kaco war ayaa la ii sheegaa, markaa dad badan oo ku yaqaanna ayuu dhibayaa warka beenta ahi, oo u qaadanaya run. Waxaan leeyahay waxa ay sheegayaan waa waxba kama jiraan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Warbaahinta wararkan baahisay, ayaa sheegtay in Ciidammo ka gadoodsan Askar ku dhintay dagaalka Laascaanood ay Wasiirka ku weerareen xafiiskiisa, iyaga oo ka cadhaysan dagaalka sii soconaya. Haseyeeshee, Wasiir Koore, waxa uu sheegay in warkaasi been yahay.

Wasiir Koore oo ah Afhayeenka Xukuumadda Somaliland, ayaa ka mid ah Masuuliyiinta muddooyinkii u danbeeyay ku howlanaa xal u heliddaa colaada Laascaanood, isagoo muddo ku sugnaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool intaan dagaalku ka bilaaban iyo intii dagaalku socdayba in badan oo ka mid ah.