Maxaabiis Somaliland Ku Qabatay Dagaalladii Laascaanood oo Xaaladdooda Ka Warramay

Burco (aftahannews):-  9 Maxbuus oo saddex ka mid ahi dhaawacan yihiin, isla markaana ay Ciidammada Millateriga Somaliland ku soo qabteen dagaalkii u dambeeyey ee 18-kii Bishan Maarso ka dhacay Laascaanood iyo Nawaaxigeeda, oo hadda ku xidhan Xabsiga dhexe ee magaalada Burco, ayaa xaaladdooda ka warramay.

Xubno ka tirsan Maxaabiista, ayaa Saxaafadda waxay u sheegeen maanta in si wanaagsan loola dhaqmay intii la hayey oo Dad gob ahi ay gacanta ku hayaan, waxaanay beeniyeen wararka sheegaya in la dhibaateeyay, iyagoo ka digay inaan Bulshada la sii kala fogeynin.

“Waannu nabad qabnaa, Ragayagii dhawaan lagu soo qabtay dagaalka, barabogaandhadu waa waxa dadka sii kala fogeeya, intayada xidhan anaa u dhaawac liitay, aniga intaa waa layla tacaalayaa, Raggii kalena sawir baa lavsoo wada saaray, waxaannu idin leenahay dad gob ah ayaa gacanta nagu dhigay.” Sidaa waxa yidhi Mid ka mid ah Maxaabiista.

Mid kale oo Maxaabiista ka mid ah, ayaa isna sheegay in xaaladdoodu fiicantayay, waxaanu yidhi; “Laba bari ayaannu joognaa, waa barwaaqaysannay, 9 Nin ayaannu nahay wixii dhaawaca ahaa waa la daweeyay, wixii uu u hadhsanyahyna si wanaagsan ayaa loola tacaalayaa.”

Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Cabdillaahi Nafaqo, oo goobta ka hadlay, isla markaana koemeer gelinkii hore ee Salaasada ku tegay Xabsiga dhexe ee Burco, ayaa sheegay in Maxaabiista loola dhaqmay si wanaagsan oo dadnimo leh, isla markaana la ilaalin doono inta ay xidhanyihiin.

“Si wanaagsan oo dadnimo leh, oo xushmad leh, oo dhaqanka reer Somaliland ah, ayaa loola dhaqmi doonaa, waxan arkayay dad baraha bulshada barobogaadhno ka wada, oo leh maxaabistii dagaalka lagu qabtay waa la laayay.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Nafaqo oo warbixin ka dhegeystay Taliyaha Xabsiga dhexe ee Burco.

Warkan oo faahfaahsan waxaannu idiin ku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-