Askari Ka Tirsanaa Booliiska Somaliland oo Hargeysa lagu Dilay & Taliska oo Ka Hadlay

Hargeysa (aftahannews):- Askari ka tirsanaa Ciidammada Booliiska Somaliland, ayaa Xalay lagu dilay magaalada Hargaysa, wakhti uu howlgal ku jiray; sida Booliisku Saxaafadda u sheegay maanta.

Cabdillaahi Cali Axmed oo ka tirsana qaybta Booliiska ee Bariga Hargaysa amma Saldhigga Booliiska ee Macalin Haaruun, ayaa lagu dilay magaalada Hargeysa, isla markaana Afhayeen Booliiska u hadlay, ayaa sheegay in la soo qabtay eedaysanaha dilka geystay.

“Askariga eedaysanihii dilay gacanta ayaa lagu soo dhigay, waana xidhanyahay, kiiskiina waa la baadhayaa. Ninka dilka ku eedaysani ma fakan, in badan ayaa la raadiyay xalayto, saaka waa ku dhawaadkii ayaa la helay, CID-da ayuu ku xidhanyahay, maxkamada ayaana loo gudbinayaa maanta amma berri” ayuu yidhi.

Waxa uu sheegay Afhayeenku in marxuunka gacan ka xaq-darrani dishay isaga oo shaqo ku jira,  lana hayo markhaatiyo sida wax u dhaceen ogaa. Afhayeenka Booliiska u hadlay waxa uu beeniyay wararka sheegaya in aano qabiil loo dilay Askarigan oo kasoo jeeda gobolka Sool.

“Dilka askarigaasi waa dil si caadi ah u dhacay, kama muuqato in qabiil loo aaneeyay, ama loo dilay, sida baadhistu muujinayso, waxaanu ka digayna dadka si kale u dhigaya ee leh qabiil ayaa loo aaneeyay oo loo dilay.” ayuu yidhi Afhayeenku.

Afhayeenka Booliska u hadlay, ayaa sheegay in Askarigu uu ka tirsanyahay Booliiska, isla markaana uu Booliiska xaq ugu leeyahay in loo qabto eedaysanaha oo cadaalad loo mariyo.

Halkan hoose ka Daawo Muuqaalka Shirka Jaraa’id ee Afhayeenka Booliska Somaliland u hadlay kaga warramay Dilka Askariga:-