Somaliland oo Ka Hadashay Xaaladda Maxaabiista lagu Qabtay Dagaalladii Laascaanood

Hargeysa (aftahannews):- Komiishanka Xuquuqal Iinsaanka Qaranka Somaliland, ayaa ka warramay Xaaladda Nololeed ee Maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalka Laascaanood ee ku jira Xabsiga dhexe ee Hargeysa.

Agaasimaha fulinta ee Komiishanka Xuquuqal Iisaanka Somaliland Cabdisamad Sacad Xasan, ayaa sheegay inay Isniinta Maanta kormeereen Maxaabiista ku jirta Xabsiga dhexe ee Hargeysa, gaar ahaan kuwii lagu soo qabtay dagaalka Laascaanood.

Agaasimuhu wuxuu sheegay Inay Maxaabiista ka waraysteen xaaladdooda nololeed, Caafimaad, Cunto iyo La dhaqanka Ciidammada gacanta ku haya.

Wuxuu tilmaamay in Maxaabiistu u sheegeen in Xaaladdoodu wanaagsan tahay, lana xuquuq yihiin Maxaabiista kale ee Xabsiga kula jirta.

Kormeerka Komiishanka Xuquuqal Iisaanka iyo War-bixintoodan, ayaa ku soo beegmaya xilli Maleeshiyaadka dagaalka kula jira Ciidammada Qaranka Somaliland ay Warbaahinta marsadeen in si aan wanaagsanayn loola dhaqmay Maxaabiistii Dawladda Somaliland ka qabatay Nabad-diidka isla-markaana qaarkood dil lagu xukumay, laakiin arrimahaas oo dhan waxba kama jiraan, Komiishankuna meesha wuu ka saaray.