Mustafe Cagjar Awood Ma u Leeyahay inuu Somaliland u Jawaabo?

Addis Ababa (aftahannews):- Warbaahinta iyo falanqeeyeyaasha Itoobiya ayaa sharci-jabin iyo gef uu galay Madaxweyne Mustafe Cagjar ku tilmaantay jawaabtii ay xukuumadda deegaanka Soomaalidu Khamiistii ka bixisay eedayn uga timid Somaliland ee ahayd in magaalada Laascaanood ay ka dagallamayaan ciidamo Liyuu Boolis ah.

Barnamij cinwaan looga dhigay ‘Mustafe awood ma u leeyahay inuu u jawaabo Somaliland?’ ayaa laga sii daayey mid ka mid ah warbaahinta Itoobiya ee Online-ka ah ee aadka loo daawado, waxaana lagu dul-istaagay qodobbada sharci iyo dasuurka Itoobiya ee uu jabiyey Mustafe Cagjar markii ay xukuumaddiisu soo saartay qoraal luuqad adag ku qoran.

Weriyaha barnaamijka daadahaynayay ayaa waxa uu sheegay in madaxweyneyaasha deegaannada dalku ay yihiin sida badhasaabyo oo kale isla markaana aanu sharciga dalku u ogolayn inay si uun uga tallaabaan xuduudka iyaga oo aan ogolaansho ka haysanin dawladda federaalka, sidaas oo kalena aan loo ogolayn inay u jawaabaan cid ka baxsan xuduudka dalka.

“Anigu ma odhanayo ciidamo Liyuu Boolis ah ayaa ka dagaallamaya Laascaanood, laakiin haddiiba ay arrintani jirto, waxa loo baahnaa in Demeke Mokenen waa Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka Arrimaha dibedda Itoobiya e, ama Males Alemu oo ah afhayeenka wasaaradda Arrimaha dibeddu ay war-saxaafadeedka soo saaraan.” ayuu yidhi Weriyuhu.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in dacwad rasmi ah oo ka dhan ah Madaxweyne Mustafe Cagjar ay Somaliland u gudbisay dawladda Federaalka, laakiin aanay intaas uun ahayn ee ay sidoo kale Somaliland ka dacwootay odayaashii SSC ee ku jiray magaalada Jigjiga, iyadoo wariyuhu uu su’aal geliyey in Itoobiya ogeyd shirkii odayaasha iyo in kale.

Xasaasiyadda ay abuurayso jawaabtii xukuumadda Deegaanka Soomaalidu ka bixisay eedayntii Somaliland ayaa uu sidoo kale wariyuhu sheegay in loo arki karayo mid qabiilaysan.

Waxaanu yidhi; “Haddii ay jirto iyo haddii aanay jirinba jawaabta waxa soo saari kara dawladda federaalka oo awood u leh inay ka hadasho. Haddii uu mustafe hadlo waxay noqonaysaa arrin qabiil ee ma noqonayso arrin dawladeed, Mustafe iyo qoladaasina waa isku qabiil. Marka waxa loo baahnaa in dawladda federaalka Itoobiya ay war kasoo saarto.”

Weriyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray: “Annaga, Somaliland waa derikayaga, musuqa ka jira Deegaanka Soomaalida ayaana burburiyey dhqaalaha Somaliland, ra’iisal wasaaruhuna wuu ogyahay.”

“Dhaqaalaha Somaliland iyo Itoobiya wuu isku xidhan yahay, laakiin iyaga waa Somaliland e, hadda dhaqaalahoodu wuxuu u burburay musuqeena awogii sababtoo ah wixii dollar ay haysteen ayaynu kasoo qadanay. Masuuliyiinta Soomaalida ayaa xaalufiyey dollarkii Somaliland oo ay Wajaale kasoo sarrifteen.”

Warbixinta, ayaa sidoo kale lagu sheegay in dhaqaalaha Itoobiya iyo Somaliland ee isku-xidhan uu sababay in ay qabsoomi weydo doorashadii madaxweynaha ee Somaliland oo dhaqaale xumo dib loogu dhigay, waxaanu wariyuhu yidhi: “Doorashadii Somaliland waxa dib loogu dhigay dhaqale-xumada aynu innagu sbabnay, haddana xasillooni-darro ayaynu ugu darayna.”

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay, in masuuliyiinta deegaanka Soomaalidu aanay kaliya lacagta dollarka ah ka sarrifanin Somaliland balse ay shidaalka u dhoofiyaan, arrintaasina aanay ahayn wax qarsoon oo uu Ra’iisal was are Abiy Ahmed uu hore fagaare uga sheegay.

Gunaanadka warbixinta, waxa uu Weriyuhu usoo jeediyey dawladda federaalka Itoobiya in aanay abuurin dhibaatooyin deriskooda ah iyaga oo meelo kale ay caqabado ka haystaan.

Waxaanu Weriyuhu yidhi: “Annaga ahaan Itoobiya hawlo badan ayaa nagu furan sida arrinta Eritrea, arrinta Sudan, annaga lafteena in aanu isku furno ma aha arrimo Somaliland ah, mana aha in aynu arrimahooda dhax galno.”

Dhinaca kale, madaxweynaha deegaanka Soomaalida ayaa la sheegay inuu u diiday odayaasha dhaqankaa DDS inay isku dayaan inay ka shaqeeyaan xalka magaalada Laascaanood.

Sida ay telefishanka KTV u xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah, odayaasha beesha Jidwaaq ayaa toddobaad ka hor la kulmay Madaxweyne Mustafe oo ay la socdsiiyeen inay damacsan yihiin inay isku dayaan inay ka odayeeyaan colaadda Laascaanood, qaybna ay ka noqdaan xalka laakiin Madaxweynaha ayaa u sheegay in arrintaas ay u baahan tahay in ay ogolaansho uga qaataan Wasaaradda Arrimaha dibedda Itoobiya.

Warka ayaa intaa ku dray, in Madaxweyne Mustafe uu odayaasha la hadalsiiyey masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Arrimaha dibedda oo ay iyaguna u sheegeen odayaasha in hadda ay dawladda federaalku dhaxdhaxaadin ka dhax-waddo dhinacyada isku haya Laascaanood, sidaa daraadeedna ay tahay in iyagu ‘waa odayaasha e’ ay ka shaqeeyaan isusoo dhoweynta dadka Soomaliyeed ee gudaha Itoobiya ku wada nool si aanay rabshadaha ka socda Laascaanood u soo dhax-gelin Bulshada gudaha.

https://www.youtube.com/live/dp-nm7ztIlk?feature=share