Somaliland oo Sheegtay inay Dhaqangelisay Xabbad-joojinta ay Ku Dhawaaqday

Hargeysa (aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay dhaqangelisay Xabbad-joojinta dagaalka illaa isniintii toddobaadkii hore ka socday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, taas oo ay ku dhawaaqday xalay.

War-Saxaafadeed ay Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland maanta soo saartay, ayey ku sheegtay in dhankeeda ay dhaqangelisay Xabbad-joojinta ay ku dhawaaqday xalay, balse Jabhadda dadka deegaanka iyo kooxaha argaggixisada ah ee magaalada ka dagaallamayey ay saaka weerareen fadhiisimmada Ciidanka Qaranka Somaliland ee Laascaanood iyo hareereheeda.

Warka qoraalka ah ee ka soo baxay Xukuumadda oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidatan:- 

“1. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay cadaynaysaa in go’aankeedii ahaa xabad-joojinta aan shuruudda lahayn uu sidiisii dhaqangal u yahay, waxna aanay iska bedelin.

2. Xukuumadda JSL wax ay cadaynaysaa in marka horeba ciidamada JSL aanay weerar ahayn ee ay keliya ku jireen isdifaacid, welina ay ku sugan yihiin fadhiisimadoodii.

3. Waxa muuqata in dhinaca kale aannu diyaara u ahayn xabad-joojin si buuxda uga dhaqangasha magaalada Laascaanood, iyaga oo ilaa maanta subaxii hore weerarro is dabajoog ah ku soo qaadayay ciidamada JSL.

4. Dhinaca kale, Xukuumadda JSL waxa ay u digaysaa dawaladda Soomaaliya gaar ahaan maamul goboleedka Puntland oo ciidamo tiro badan keenay xuduudda labada dal wadaagaan ee aagga Tukaraq taas oo keeni karta isku dhac ciidan.

5. Xukuumadda JSL waxa ay u cadaynaysaa bulshada Soomaalida iyo caalamka in xaaladda Laascaanood ka taagani tahay mid ka weyn tabasho bulsho ee uu yahay qorshe ay ku midaysan yihiin kooxo cadow ku ah jiritaanka iyo Qaranimada Soomaaliland oo ay ugu horeeyaan kooxaha argagixisada ihi.

6. Xukuumadda JSL waxa ay u cadaynaynaysaa mar kale bulshada Soomaaliland iyo caalamka in ay xukuumad ahaan ka go’an tahay hirgelinta Xabad-joojintii aan shuruuda lahayn ee xalay ku dhawaaqday kana go’antahay dhaqangalinta Xabad-joojintaasi.”