Somaliland: Taliska Ciidanka oo ka Hadlay Maxaabiis lagu Qabtay Dagaalka Laascaanood

Laascaanood (aftahannews):- Taliska Ciidanka Millateriga Somaliland, ayaa sheegay inay Maxaabiis isugu jirta Malleeshiyo beeleed, Kooxo Argaggixiso ah iyo Ciidanka PSF ee Maamul Goboleedka Puntland ay ku qabteen dagaalka maalintii labaad maanta ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidanka Qaranka, ayaa lagu sheegay in Ciidanka Qaranku ay dagaalka saaka ku qab-qabteen maxaabiis isugu jira maleeshiyo-beeleed deegaanka u dhashay, xubno ka tirsan Kooxaha Xag-jirka ah iyo Askar ka mid ah Ciidamada PSF ee maamul-goboleedka Puntland.

Qoraalka Warsaxaafadeedkaas, ayaa u dhignaa sidatan:- “Ciidamadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ku jira iska difaacidda weerarada kaga imanaya  kooxaha Argagixisadu waxa ay gacanta ku dhigeen maxaabiis dagaal oo iskugu jira argagixiso, ciidanka PSF ee Maamul Goboleedka Puntland iyo dad deegaanka ah oo la soo qalday,” Sidaas ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka.

Warku waxa uu intaas ku daray in Ciidamada Qaranka Somaliland ay xorriyaddooda u celiyeen Maxaabiis u dhashay deegaanka oo dagaalka ku dhaawacmay, kuwaas oo lagu wareejiyey eheladooda.