Guddoomiyaha Sanaag oo Ka Badbaaday Weerar Askar lagu Dhaawacay, Kana Hadlay Ceel-afweyn

Ceel-afweyn (aftahannews):- Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse (Isdabbar), ayaa sheegay inay kooxo rabshad wadayaal ahi weerareen isaga iyo xubno ka tirsan Guddiga nabadgelyada gobolka oo Ceel-afweyn u tagay dil shalay ka dhacay deegaanka Qalloocato oo ka tirsan degmada Ceel-afweyn.

Weerarka ayuu sheegay Guddoomiyaha Sanaag inay ku dhaawacmeen 8 Askari oo Ciidanka ka tirsan, isaga oo sheegay inay kiiska hore ee dilka Ninka Shacabka ah ee shalay ay wadaan baadhistiisa, isla markaana loo xidhay afar Askari.

Axmed Cabdi Muuse Guddoomiyaha Sanaag oo ka hadlaya shaqaaqada maanta oo daba socotay dilka shalay, waxaannu warkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan:-