Somaliland: Xildhibaanno Si adag uga Hadlay Dil ka Dhacay Ceel-afweyn

Hargeysa (aftahannews):- Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa si adag uga hadlay Dil shalay ka dhacay deegaanka degmada Ceel-afweyn oo ka tirsan gobolka Sanaag, kaas oo ay geysteen Askar ka tirsan Booliska Somaliland.

Xildhibaannadan oo maanta Saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa Xukuumadda ugu baaqay inay sharciga hor keento Askarta dilka geystay, iyaga oo dilkan ku tilmaamay kii shanaad ee ay Ciidammadu Dad Shacab ah ugu geystaan gobolka Sanaag oo laga soo doortay Mudanayaasha hadlay.

Haddaba, Xildhibaannada ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland oo dilka shalay iyo kuwo ka horreeyeyba ka hadlay, waxaannu warkooda idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan:-