Home Wararka Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif oo Ka Hadlay Filashada Madaxweyne Biixi ee Shirka Laascaanood

Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif oo Ka Hadlay Filashada Madaxweyne Biixi ee Shirka Laascaanood

Hargeysa (aftahannews):- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa in isaga iyo Madaxweynaha dalka Muuse Biixi Cabdi ay Shirka Beesha Gobolka Sool uga socda Laascaanood ka filayaan inaanay ka soo bixin wax Qaranka Somaliland wax aan Qaranka Somaliland wax u dhimaynin.

Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, waxa uu sheegay inay Madaxweynaha kulmeen oo uu soo dhaweeyey, kana wadahadleen xaaladda Laascaanood iyo Shirka Madaxda dhaqanka shalay uga furnay isla Laascaanood.

Cabdirisaaq Khaliif oo maanta Hargeysa kula hadlay Saxaafadda, ka dib markuu ka soo laabtay Laascaanood oo uu dhawaanahan xalka xaaladda taagan ugu maqnaa, waxa uu sheegay inuu dowladda ku bogaadinayo in Ciidanku magaalada dibedda ka joogo.

Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif oo arrimahaas iyo kuwo kale ka hadlaya, waxaan warkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan:-