Wasiir ka Tirsanayd Maamulka Galmudug oo Caawa Muqdisho lagu Dilay

Muqdisho (aftahannews):- Farxiyo Cabdi Waasuge oo ahayd wasiiru-dowlihii wasaaradda Gaaadiidka iyo Duulista Hawada Dowlad-goboleedka Galmudug,  ayaa caawa lagu dilay magaaalda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Dilkeeda, ayaa ka dhacay degmada Warta Nabadda, waxaana la sheegay inay dilka Marxuumadda fuliyeen kooxo ku hubaysnaa Baastoolado.

Allaah ha u naxariisto ee Marxuumaddu waxay ka mid ahayd Wasiirradii dhawaan la magacaabay. Muddo kooban ayay xafiiska joogtay oo ay shaqaynaysay.

Lama garanayo cidda dilka Wasiirka ka dambeysa. Haseyeeshee, dilkeeda ayaa ku soo beegmay xilli Galmudug uu ka socdo guluf dagaal oo laga soo horjeedo Al-shabaab.

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, ayaa hore loogu dilay Nabad-doonno,  Ganacsato, Siyaasiyiin, Saraakiil iyo Haldoor kala duwan oo ka soo jeeda Galmudug iyo gobollada kale ee dalka qaarkood, kuwaas oo lagu tirinayo inay Al-shabaab dishay intooda badan.