Ururka EAC oo billaabay Qiimeynta Codsiga ka Mid Noqosho ee Soomaaliya

Muqdisho (aftahannews):- Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), ayaa maanta si rasmi ah u billaabay hanaan lagu qiimaynayo in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay ku biirto bulshada iyo in kale.

Koox qiimeyn ah oo ka kooban khubaro ka kala socoto dalalka xubnaha ka ah EAC ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxayna dalka joogi doonana illaa 5-ta Febraayo.

Xoghayaha guud ee ee EAC Peter Mutuku Mathuki, oo ka hadlayey billowga howlgalkan, ayaa sheegay in kooxda ay kala shaqeyn doonaan Soomaaliya si loo xaqiijiyo in hanaanka qiimeynta lasoo geba-gebeeyo islamarkaana warbixinta diyaar ahaanshaha loo gudbiyo Golaha Wasiirada EAC, kuwaasi oo miiska soo saari doona shir madaxeedka EAC ee dhammaadka Febraayo.

“Kooxda xaqiijinta waxa sameyn doonaan xog helid la xiriirta qaab-dhismeedka hay’adaha jira; qaababka sharciga; siyaasadaha, xeeladaha, mashaariicda iyo barnaamijyada; dhinacyada iskaashiga dalalka kale ee EAC iyo rajooyinka laga filayo xubinnimadeeda,” ayuu yiri Dr. Mathuki.

“Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer Afrika oo gaareysa 3,000 km, waxayna Afrika ku xiriirisaa Jasiirad u yaalka Carbeed, taas oo gobolka uga faa’iideysan karo inuu kordhiyo ganacsi goboleedka islamarkaana horumariyo nolosha dadka Bariga Afrika.”

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Abshir Cumar Huruse, iyo ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan EAC Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa mar kale ku celiyey sida ay Soomaaliya u dooneyso inay ku biirto ururka.

“Soomaalidu markii horeba waa joogeen EAC. Soomaalidu waxay billaabeen inay la midoobaan walaalahooda gobolka ka hor inta aan si rasmi ah loo codsan go’aaminta ka mid noqoshada EAC,” ayuu yiri wasiir Abshir.

Guddiga qiimeynta ee soo gaaray Muqdisho aya waxaa hoggaaminaya Tiri Marie Rose oo u dhalatay dalka Burundi.

Xigasho Voasomali.com