Wiil Soomaali ah oo Xil Sare looga Magacaabay Dowladda Federaalka Itoobiya

Addis Ababa (aftahannews):- Cabdiraxmaan Ciid Daahir oo Soomaali ah, ayaa xil sare looga magacaabay dowladda federaalka Itoobiya, kaas oo ka mid noqonaya Soomaalida xilalka ugu sarreeya ka haya dowladda Itoobiya.

Wareegto maanta ka soo baxday Xafiiska Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed, ayaa lagu sheegay in Cabdiraxmaan Iid Daahir oo kasoo jeeda degaanka Soomaalida loo magacaabay Madaxa Hay’adda Maalgashiga ee dalka Itoobiya.

Cabdiraxmaan Iid Daahir, ayaa hore xilal kala duwan uga soo qabtay Xukuumadda Deegaanka Soomaalida, isagoo markii u dambeeyay ku-xigeen ka ahaa Xafiiska maanta looga dhigay Madaxa.

Hore waxaa Xafiiskan Madax uga ahaa Maamo Hibrat oo dhawaan Abiye Axmed u magacaabay Madaxa Bangiga Qaranka ee federaalka Itoobiya.

Magacaabistan, ayaa ku soo beegmaysa xilli Ra’iisal wasaaraha Itoobiya uu hore u sheegay inuu isbeddel ku samayn doono qaar ka mid ah masuuliyiinta kala duwan ee Hay’adaha dowladda Itoobiya.

Masuulkan maanta xilka loo magacaabay ee Cabdiraxmaan Iid Daahir,  ayaa ka mid noqonaya dhowr masuul oo ka soo jeeda Dowlad-deegaanka Soomaalida, kuwaas oo haya qaar ka mid ah xilalka sare  ee dowladda Itoobiya oo uu ka mid yahay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide.

Cabdiraxmaan Ciid Daahir, ayaa ah wiil uu dhalay Ciid Daahir oo kamid ahaa Madaxweynayaashii horey u soo maray xilka Madaxweynimo ee Dowlad-deegaanka Soomaalida.