Somalia: Dowladda oo Sheegtay inay Al-shabaab ka Dishay Dagaalyahannadii ugu badnaa

Miroon (aftahannews):- Ciidammada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka, ayaa sheegay in Maanta 73 xubnood oo ka mid ah dagaallayahannada Al-shabaab inay ku dileen howgal ka dhacay deegaanka Miiroon oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Taliya Ciidanka Dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliya Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi, ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ciidamada xoogga dalka ay si buuxdo ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Miiroon, islamarkaana jab weyn ay gaarsiyay kooxda Shabaab.

“Dagaal sadaxdii subaxnimo bilawday oo ka dhacay deegaano ay ka mid yihiin Miiroon iyo Baraagta Hurdaaye oo ay ka qeyb qadanayeen diyaaradaha dagaalka Saaxiibada Caalamka ayaa lagu dilay 73 ka mid ah Shabaab deegaanada Miiroon iyo Baraagta Hurdaayana ciidanka ayaa la wareegay walina baacsi ayaa lagu sii haya kooxdii ku sugneyd deegaanadaas” ayuu yiri Jenaraal Biixi.

Degmada Xarardheere oo dhawaan ciidanka dowladda la wareegeen ayaa aheyd Saldhigii ugu weyna kooxda Shabaab ee deegaanada gobolka Mudug, waxaana ciidamada dowladda ay wali howlgalo lagu sii baacsanaayo Al-shabaab ay ka wadaan deegaanada hoostaga degmadaasi.

Barqanimadii Maanta ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya ay shaacisay in Al-shabaab mudo todobaad gudahood ah howlgalo ka dhacay deegaanada maamulada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland in looga dilay dagalamayaal gaaraya 323, hayeeshee majirto war kasoo baxay dhanka Shabaab oo ku aadan sheegashada dowladda Soomaaliya.

Geesta kale, Dawladda Soomaaliya, ayaa sheegtay inay in ka badan 300 oo ka tirsan Al-Shabaab ku dishay hawlgallo Millateri oo socday muddo toddobaad ah, sida ay Masuuliyiin dowladda ka tirsani u sheegeen laanta Af Soomaaliga ee Idaacadda VOA.

Hawlgalladan,  ayaa ka kala dhacay gobollada kala duwan ee dalka. Tirada dhiamshada ee ay sheegtay dawladda Soomaaliya ayaan si madaxbannaan illaa hadda loo xaqiijin.