Home Wararka Golaha Wakiillada Somaliland oo Si Kulul ugu Jawaabay Baarlamaanka Soomaaliya

Golaha Wakiillada Somaliland oo Si Kulul ugu Jawaabay Baarlamaanka Soomaaliya

Warsaxaafadeedka uu ku saxeexan yahay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ahna ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md Siciid Mire Faarax (Giire), ayaa lagu sheegay in Somaliland leedahay Goleyaal sharci-dejineed oo Shacabku soo doortay isla markaana aanay cid kale ku hadli Karin magaceeda.

“Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu soo doortay shacabku waxaa tiirarka u muhiimsan himilooyinkiisa iyo xilgudashadiisa ka mid ah sugidda nabadgelyada iyo ammaanka Jamhuuriyadda iyo u madax-bannaanida maamulka dhulkeeda, baddeeda, iyo hawadeeda,” sidaas waxa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay Golaha Wakiillada Somaliland oo intaad ku daray Golaha Wakiilladu ka wakiil yahay dadwaynaha Somaliland, sida ku cad qodobka 39-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Warsaxaafadeedka oo jawaab u ah qoraal uu dhawaan soo saaray guddoomiyaha Golaha Shacabka e baarlamaanka Soomaaliya, waxa lagu sheegay in Golaha Wakiilladda Somaliland uu ku fadhiyo hab dimuqraadi ah oo ku salaysan doorashada hal qof iyo hal cod ah, halka baarlamaanka Soomaaliya ka yahay shaqsiyaad aan ku fadhiyin codka shacabkooda balse la soo xushay.

Qoraal uu soo saaray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Somalia, ayaa lagu sheegay inay guddi u magacaabeen xiisadda ka taagan gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood, waxaana hadalka ka soo yeedhay Soomaaliya lagu tilmaamay, “Daandaansi iyo duullaan lagu soo qaaday qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland oo ku timid rabitaanka shacabka Somaliland ee doorashooyinka xorta iyo xalaasha ah ku doorta madaxdooda.”

“Waxa uu Guddoomiyuhu tallaabadaa qaaday iyada oo aanay cidnaba ka qarsoonayn in aan guddida Xamar laga magacaabay iyo mid la mid ah oo Somalia meteleysaa toonaa awood u lahayn soo gelitaanka xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland iskaba daa baadhis ay ka sameeyaane”, Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadedka ka soo baxay Golaha Wakiillada Somaliland.

“Guddoomiyaha Golaha Muqdisho fadhigiisu yahay uu tixraacay wax uu ugu yeedhay Dastuur ku meel gaadh ah. Dastuurka uu xigtay maaha mid khuseeya Jamhuuriyadda Somaliland oo 32 jirsatay, mana jirto wax tixgelin iyo aqoonsi ah oo uu ka leeyahay xuduudaha Somaliland ee sida caalamiga ah loo aqoonsan yahay.

Xuduudaha Somaliland waxa ay waafaqsan yihiin mabaadii’da sugan ee xeerarka caalamiga ah oo uu ka mid yahay heshiiska uu ku aasaasan yahay Midawga Afrika.

Sidaa darteed, warbixin kasta oo ka soo baxda Golaha Muqdisho marnaba kuma salaysnaan karto xaqiiq ka tarjumaysa xaaladda dhabta ah ee deegaan ka mid ah qaranka Somaliland oo ay ku jirto Degmada Laascaanood ee Jamhuuriyadda Somaliland, oo waxba kama duwana male-awaal iyo majara-habaabin loogu talo galay beesha caalamka.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay Golaha Wakiillada Somaliland.

Waxa war-saxaafadeedka lagu soo gunaanaday baaq Somaliland u dirtay Beesha Caalamka, waxaana lagu yidhi, “Golaha Wakiilladu waxa uu guud ahaan beesha caalamka iyo cid kasta oo ay khusayso la socodsiinayaa in arrimaha Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool wax-ka-qabashadeeda iyo xalkeeduu gaar tahay dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo aanay marnaba jiri karin cid ka baxsan oo soo faragelin kartaa.”

“Ugu dambayn, Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si mug Ieh uga arrinsan doonaa arrimaha saamaynta ku leh masiirka ummadda, qarannimadeeda iyo karaamada shacabkeeda,” sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka oo lagu cadeeyay in kalfadhiga Golaha Wakiillada oo Dhowaan furmi doona lagaga arrinsan doono sii socoshada wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.