Masuuliyiinta Wasaaradda H. Maaliyadda oo Ka  Jawaabay Su’aalo la Weydiiyey

Hargeysa (aftahannews) – Masuuliyiinta Wasaaradda H. Maaliyadda JSL oo ugu horreeyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, isla markaana ay weheliyaan Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda horumarinta Maaliyadda Marwo Rooda Jaamac Cilmi, Agaasimaha Guud Md Maxamed Gurxan, Xisaabiyaha Guud Md Axmed Daauud Geedi iyo Xubno Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda ka mid ah ayaa saaka hortagay Mudanayaasha Golaha Wakiilada si ay xubnaha Goluhu wixii ay suaalo ama soo jeedimo ka qabaan Dhiganaha Odoroska Miisaaniyadda 2023 uga warsadaan masuliyiinta Wasaaradda.

Miisaaniyad-sannadeedka 2023 oo Golaha Wakiilada loo gudbiyey 31-kii October,2022 is la markaana wali hortaala Golaha ayuu cadadkeedu dhanyahay 3,581,440,706,340, (Saddex tiriliyan, shan boqol iyo kow iyo sideetan Bilyan, afar boqol iyo afrtan milyan, todoba boqol iyo lixdan kun iyo saddex boqol iyo afartan shilin). Waxaanay wadarta guud ee miisaaniyad sannadkeedkani tii kal-hore ka badan tahay 4%, halka ay misaaniyada dawladda-dhexe tii kal-hore ka badantahay qadar dhan 5%.
Oddoroska Miisaaniyad sannadkeedka 2023-ku waxay u kala korodhay sidan:-
• Miisaaniyadda guud ee dawladda
• Miisaaniyadda Dawladda-dhexe
• Miisaaniyadda dawladaha-hoose
• Hay’addaha Madaxa-Bannaan
• Mashaariicda Debeda
Sidoo kale Miisaaniyad-sanadeedka 2023-ka ayaa korodhay ama ka badan tahay tii 2022-kii 4%, halka misaaniyada dawladda dhexe ay korodhay 5% marka loo eego misaaniyadii hore.
Oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2023-ka ayaa muhiimadda koowaad lagu saari doonaa qodobadan hoose:
1. Amniga
2. Doorashooyinka
3. Wax-soo saarka beeraha
4. Biyaha
5. Kalluunka
6. Ilaalinta deegaanka
7. Ictiraafka
8. Dugsiyada Farsamada gacanta iyo
9. Barnaamijka Shaqo Qaran.