Ciidanka Booliska Somaliland oo Qabtay Haweenay ay Muddo Raadinayeen

Hargeysa(Aftahannews):- Ciidanka Booliiska Somaliland, ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen Haweenay ku eedaysan inay Jidh-dil u gaysatay inan yar.
War kooban oo ay baahiyeen ciidanka booliska Somaliland, ayaa lagu sheegay in hawlgalka Haweenayda lagu soo qabtay ay sameeyeen Ciidanka Booliska ee Saldhigga New Hargeysa.
Boolisku waxay sheegeen inay ka war heleen haweenaydaas jidh dilka u gaysatay inan yar oo gurigeeda kula noolayd, taas oo ay muujinayaan muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada.
Ciidanka Booliska Somaliland waxay xuseen in gabadhaasi ay ka soo qabteen xaafada Daami oo ka tirsan degmada Gacan-libaax ee caasimada Hargeysa,
Ugu danbayn ciidanka booliska Somaliland, waxay sheegeen inay bilaabeen baadhitaano la xidhiidha ogaanshaha arrinta ku saabsan Haweenaydaas ku eedaysan inay Jidh-dil u gaysatay ilmahaas yar.
Booliisku waxay sheegeen in marka baadhitaanka kiiskaasi dhammaanado ay u gudbin doonaan Maxkamadda awoodda u leh, waxaanay guud ahaan bulshada Somaliland uga digeen inay ku kacaan dhibaatooyinka noocaas oo kale ah.