Kenya oo Safiir cusub u soo Magacowday Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews)- Dowladda Kenya, ayaa safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya, kadib markii danjiraheedii hore uu dhammeystay mudo xileedka, kaas oo todobadaadkii la soo dhaafay ay macsalaameysay dowladda federaalka Soomaaliya.

Safiirka cusub ee Kenya oo lagu magacaabo Jeneraal Thomas Chepkuto, ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo u gudbiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac.

Kulanka oo ka dhacay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee magaalada Muqdisho, ayaa intii uu socday lagu soo hadal qaaday xidhiidhka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo soo dhaweeyey safiirka cusub ee Kenya ee dhawaan la soo magacaabay, ayaa u rajeeyey inuu ku guuleysto howsha loo igmaday, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in hore loo dhaqaajiyo iskaashiga labada dowladood.

Sidoo kale, wuxuu wasiirku hambayo u mariyay safiirka cusub ee uu waraaqaha ka guddoomay madaxweynaha la doortay ee Kenya, William Ruto.

Dhankiisa, Danjire Thomas Chepkuto, ayaa carabaabay sida uu ugu faraxsanyahay qaabiladda uu u sameeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, wuxuuna ku nuux-nuuxsaday sida dalkiisu ugu faanayo xidhiidhka kala dhexeeya Soomaaliya, kuna dadaali doono sare u qaadiddiisa si ay ku jirto rabitaanka labada dal iyo labada dad ee saaxiibada ah.