Wefdiga Mareykanku maxay kala hadleen Madaxda Xisbiga WADDANI?

Hargeysa (Aftahannews)- Wefdi ka socda dowladda Mareykanka oo maalmihii u danbeeyay booqasho ku joogay Somaliland, ayaa kulan la yeeshay madaxda xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

Lama ogga waxyaabaha lagaga hadlay kulanka hoggaamiyaasha xisbiga WADDANI iyo wefdiga Mareykanka, balse Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa war kooban kasoo saaray kulanka ay la yeesheen Wefdiga ka socda dalka Maraykanka.

Qoraal oo kooban oo Guddoomiye Xirsi, kaga hadlay ujeedada kulankaa iyo waxyaabaha ay ka wadahadleen, ayuu ku yidhi,  “Maanta waxaannu la kulanay Wefdi Mareykanka ka socda oo maalmahanba Dalka joogay, kuwaas oo ah saaxiibbada Somaliland.” Ayuu yidhi.

Guddoomiye Xirsi, wuxuu qoraalkiisa ku xusay in ay soo dhoweeyeen wefdiga, “waannu uga mahadnaqnay dedaalka ay ugu jiraan aqoonsiga Somalialnd. Waxa aannu kala hadalnay si guud danaha Somaliland,”ayuu ku yidhi qoraalka, balse wuxuu si gaar ah u xusay in ay kala hadleen saddex qodob oo sida uu sheegay kala ahaa:

Xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee wakhtigan Somaliland ka taagan iyo dhibtii ku dhacday dadkii shicibka ahaa ee bannaanbaxa nabadgelyo samaynayay.

2. Aqoonsiga Somaliland, oo ah qadiyad ummadadeed, kaas oo dadka Somaliland ku midaysan yihiin, mana khusayso siyaasadda guddaha ee aannu ku qaybsannahay.

3. Mar walba Xisbiga Waddani wuxuu diyaar u yahay in khilaafka jira laga gaadho xal siyaasadeed oo wadahadal- dhexdhexaadin ku yimaadda, kaas oo Xisbigu muhiimad siinayo xal kasta oo ay hor kacayaan dadkayagu.”ayuu ku yidhi, qoraalka Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ee WADDANI.

May be an image of 8 people, people standing and suit

May be an image of 6 people and people standing

May be an image of 3 people, people sitting and indoor

May be an image of 4 people, people sitting, people standing and indoor

May be an image of 5 people, people sitting, people standing and indoor

May be an image of 3 people, people sitting and people standing