Lewandowski Oo Si Lama Filaanka Ah U Sheegay Shaqsigii Ka Caawiyey Inuu Ku Biiro Kooxda Barcelona

Weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski ayaa xisaabtiisa Barcelona furtay Axaddii oo uu kula guuleystay Joan Gamper Trophy, halka uu shabaqa soo taabtay oo uu goolka furitaanka dhaliyey ciyaarta oo saddex daqiiqadood oo kaliya socotay iyaga oo 6-0 ku karbaashay naadiga reer Mexico ee Pumas.

Robert Lewandowski ayaa muujiyey in uu yahay xiddig weyn oo aan la qabsi badan uga baahnayn horyaalka Spain, waxaana uu sidoo kale caawiyey laba gool oo kale oo ay ciyaartoyda kale ee kooxdu dhalisay.

33 jirkan oo Barcelona ay kala soo wareegtay Bayern Munich oo 375 ciyaarood oo uu u saftay uu usoo dhaliyey 344 gool muddo siddeed sannadood ahayd oo uu usoo ciyaaray, ayaa waxa uu rajaynayaa in toddobaadkan uu furan doono goolashiisa horyaalka LaLiga.

Waraysi uu siiyey wargeyska Diario Sport ayuu Robert Lewandowski daboolka kaga qaaday shaqsi aanay cidina filaynin oo ka caawiyey go’aankii uu ka qaatay Bayern Munich ee uu ugu wareegay Barcelona, waana tababaraha Man City ee Pep Guardiola.

Laacibkan ayaa waxa uu sheegay in waqtigii uu Pep Guardiola ahaa tababaraha Bayern Munich uu arkay falsafadda kubbad isku dhiibka ee Barcelona oo uu Allianz Arena geeyey Pep Guardiola, taasina saamayn ku yeelatay markii uu hadda go’aanka qaadanayay.

“Falsafadda Guardiola iyo qaabkiisa daryeelka iyo maamulka kooxdu waxay ka dhignay sidii Barcelona oo la geeyey Bayern Munich.” Ayuu yidhi Robert Lewandowski.

Waxa uu kusii daray: “Xavi Hernandez waa sida Guardiola oo kale. Waxay labaduba ka ciyaari jireen No.6, waanay soo wada shaqeeyeen. Isku si’ ayay uga fikiraan kubadda cagta. Xusuustaas la shaqaynta Guardiola ayaa maskaxdayda kusii jirtay, Barcelona ayaana ahayd dookha kaliya ee ii furnaa.”

Robert Lewandowski waxa uu xaqiijiyey in aanu la hadal Guardiola laakiin ay caawisay wixii uu ka arkay muddadii ay wada joogeen Bayern Munich.