Madaxweyne Afrikaan Ah Oo Barah Bulshadda Dood Ka Dhaliyey Iyo Falcelinta Shacabka

Hargeysa, (Aftahannews)-Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni, oo martigeliyay dhiggiisa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid tahay sida ay labada dowladood isaga kaashan karaan dhinaca amniga.

Museveni ayaa sheegay dalkiisa uu diyaar u yahay sidii uu gacan uga gaysan lahaa in Soomaaliya ay yeelato awood ay kula dagaallanto kooxda ka soo horjeedda.

Balse waxaa baraha bulshada ee Soomaalida hadal-hayn aad u ballaadhan ka dhaliyay qaar ka tirsan hadallada uu sheegay madaxweynaha Uganda.

Museveni oo ka hadlayay kulan uu kala qayb galay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladdiisa ay istiraatiijiyaddeeda ahayd inay adeegsato ciidan is-xilqaamay oo aan mushahar uga baahnayn.

Dadka qaar ayaa erayadiisa u fasirtay in uu dowladda Soomaaliya u soo jeedinayay inaysan culays iska saarin dhinaca mushaaraadka”Waxay istiraatiijiyaddeennu ahayd in dadka taageersan fikirkeenna ay isu xilqaamaan inay dagaallamaan si aan awood u yeelanno. Sidaas ayay noogu suurtagashay inaan dhisno ciidan xoog leh, mushaharna ma jiro.” ayuu yidhi.Waxa uu Museveni su’aal iska waydiiyay sida ay Soomaaliya u maarayn karto bixinta mushaarka ay ciidanka qaadanayaan.

Isagoo isagoo arrintaa ka hadlaya ayuu yidhi: “Markii aan Soomaaliya tagay, Shariif iyo Farmajo waxay ka hadleen mushahar. Sideen u maarayn kartaa?”Haddii aadan dowlad lahayn ama aad leedahay dowlad daciif ah sideed u maarayn kartaa inaad lacag siiso tiro kugu filan? Sababtoo ah Soomaaliya waa waddan wayn, waa saddex jibaarka Uganda dhanka cabirka dhulka, sidaas darteed kuma maamuli kartid tirooyinka toban kun, labaatan kun, xitaa afartan kun”Waxay ila tahay in Soomaaliya ay u baahan tahay 80,000 [oo askari], balse sidaad intaa mushahar ku siin kartaa haddii aadan dowlad lahayn?”.

Madaxweyne Museveni ayaa sheegay in isagu uu diyaar u yahay inuu Soomaaliya ka caawiyo dhinaca hubka iyo direyska ciidanka, balse ay “dowlado kale ka raadsanayaan mushaarka”Waxaan Soomaaliya ka caawin karnaa inay ka guulaysato kuwa kasoo horjeeda. Haddii su’aashu ay tahay dhanka hubka waa soo iibin karnaa kaddibna waan siin karnaa, direyska waan siin karnaa, xitaa raashinka waan qaybsan karnaa. Balse waxa aannaan xal u heli karin waa mushahar”Mushahar bil walba ah oo tiro badan la siinayo, xal uma heli karno. Sidaas darteed mar haddaad ka hadasho mushaar markaas waxaad hasataa UAE [Isutagga Imaaraadka Carabta], waxay bixinayaan hal bil, kaddibna ma garanayo.. Qadar, kaddib, Turkiya, sideyse dadka ku heli karaan amni?”.