Kharashka La Siiyey Koox Kasta Oo Premier League Oo La Soo Bandhigay

20-ka kooxood ee uu ka kooban yahay horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa helaya damaanad-qaadka lacago tiro badan ka hor inta aanu xilli ciyaareedkuba bilaabmin, waxaana kaalinta koowaad ku jirta Manchester City oo noqonaysa naadiga lacagta ugu badan xoogsanaysa.

Kooxda ku guuleysata horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa helaysa £160 milyan oo Euro oo kaash ah oo gacanta laga saarayo, waana Manchester City oo lacagtaas  ku heshay hanashada horyaalka Premier Premier League ee xilli ciyaareedkii tegay, laakiin xataa kooxaha heerka labaad u noqday ayaa iyagana la siinayaa min £100 milyan oo Gini.

Premier League ayaa qariya xogta dhabta ah ee lacagta la siinayo koox walba tobankii sannadood ee ugu dambeeyey laakiin waxa haddana ay warbaahinta iyo dadka dhaqaaleyahanka ah ee  la socda Premier League ay xisaab ahaan si fudud ugu soo saaraan lacagta koox walba la siinayo.

Xilli ciyaareedka Jimcaha berri bilaabmaya ee 2022/23, waxa aad u kordhaysa lacagta baahinta kasoo xeroonaysa, halka xilli ciyaareedkii tegayna ay ahayd £2/5 bilyan oo Gini, taas oo ka dhigan in naadi walba uu helay lacago tiro badan.

Arrinta layaabka leh ayaa waxay tahay in Tottenham ay xilli ciyaareedkii tegay heshay lacag ka badan inta la siiyey Chelsea oo kaalinta saddexaad gashay, sida ay muujisay xog la helay iyo xisaabo la isku-geeyey oo ku sallaysan tirada kulamadii baahinta ku jiray iyo waqtiyadii la ciyaaray.

20kii kooxood ee xilli ciyaareedkii hore ku jiray horyaalka Premier League ayaa mid walba la siiyey £84 milyan oo Gini oo ah lacagihii baahinta oo si siman loogu qaybiyey, hase yeeshee waxa is-dheeraysiiyey dakhliyo kale oo ah kaalmaha ay kala galeen kooxahani.

Halkan kaga bogo lacagaha ay heleen kooxaha Premier League xilli-ciyaareedkii 2021/22

1 Manchester City £161.3 milyan

2 Liverpool £159.8 milyan

3 Tottenham £152.1 milyan

4 Chelsea £151.7 milyan

5 Arsenal £151.6 milyan

6 Man United £150.2 milyan

7 West Ham £142.1 milyan

8 Leicester £134 milyan

9 Newcastle £131.5 milyan

10 Brighton £130.6 milyan

11 Wolves £128.2 milyan

12 Crystal Palace £124.3 milyan

13 Aston Villa £123.3 milyan

14 Brentford £121 milyan

15 Everton £120.4 milyan

16 Leeds £116.1 milyan

17 Southampton £113.3 milyan

18 Burnley £106.1 milyan

19 Watford £104.6 milyan

20 Norwich £100.3 milyan