Farriimaha Laga Diray Bandhigga Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa

Hargeysa (Aftahannews)- Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, waxa Sabtida Maanta laga Daah-furay Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta, taasi oo sannad walba xilligan oo kale la qabto.

Bandhiggan Carwada Buugaagta Hargeysa oo sannadkani noqonayo kii 15-aad ee si xidhiidh ah loo qabto, ayaa sannadkan Hal-ku-dheg looga dhigay ‘WADA-JIR’, taasi oo lagu Tusaalaynayo ahmiyadda Wada-jirku u leeyahay Dawga Caalamka ee reer Somaliland ka mid yihiin, waxaana lagu Marti-qaaday Wufuud ka kala socota illaa 30 Dal oo Caalamka ah, diblumaasiyiin, Qoreyaal Caalamiya, Farshaxamiistayaal, dadka shaqeeya hormarinta dhaqamada dalalka Caalamka, waxaana lagu soo bandhigayaa Buugaag Afaf kala duwan lagu qoray, si loo dhiirigeliyo akhriska iyo qoraalka.

Bandhigga Carwada Buugaagta Hargeysa (Hargeisa Internatinal Bool Fair) oo door muuqda ka qaata fidinta Qadiyadda Madax-banaanida Somaliland, si dalalka dunidu looga dhaadhiciyo Qorshaha Ictiraaf-raadinta Jamhuuriyadda Somaliland isla-markaana sannadba hal Dal si gaar ah loogu sharfo si uu ugu soo bandhigo wuxuu dalalka kale ee dunida kaga duwan yahay dhaqan ahaan, ayaa sannadkan waxa marti-qaadkaa gaarka ah lagu maamuusay waddanka Senegal oo ka mid ah dalalka Galbeedka Afrika ee aanay Somaliland lahayn xidhiidhka tooska ah, waxaana wufuud ka socotaa ay Maalinta labaad ee Carwada Buugaagta Hargeysa ay ku soo bandhigi doonaan Agabka hiddaha iyo dhaqanka iyo taariikhda Dalkooda Senegal leeyahay, waxaana halkaa ka bilaabmaya xidhiidh dhinaca iskaashiga ah oo dhex maraya Somaliland iyo Senegal, taasi oo sida muuqata ay suurto-gelisay xarunta dhaqanka Hargeysa ee markii 15-aad qabatay Bandhiggan Caalamiga ah.

Furitaanka Maanta ee bandhiggan 15-aad oo soconaya (23 illaa 28-ka July 2022), ayaa waxa hadallo ka soo jeediyey Wufuudda Caalamiga ah ee lagu marti-qaaday iyo xubno ka mid ah Masuuliyiinta Dawladda Somaliland ee ka qayb-galay, waxayna dhammaantood ka warrameen ahmiyadda Bandhigga Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa (Hargeisa International Book Fair) u leedahay is-dhex-galka bulshooyinka Caalamka, si gaar ahna Somaliland.

Aasaasaha Xarunta dhaqanka ee Hargeysa Dr. Jaamac Muuse Jaamac oo ugu horrayn halkaa ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Martida, waxaanu tilmaamay muhiimadda Bandhigga Carwadan leedahay iyo 15-kii sanadood ee sida xidhiidhka ah loo qabtay, waxay ka faa’idday Somaliland, waxaanu yidhi “Ku soo dhawaada 15-guurada bandhigga caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa. Waa 15-sannadood oo la dareemay faa’iidada uu u keenay qarankan iyo ummaddan Somaliland oo sannad kasta lagu soo bandhigayey mowduucyo kala duwan oo xambaarsan danaha Qaranka. Waa 15 sannadood oo Maanta hana-qaad ah, suurto-galisayna madal midaysay umaddan ciddii u soo fekertay. Waa 15 sanadood oo Somaliland ay Adduunka isku tustay waxay qabsatay iyo wax qurux badan…”

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo isagu si rasmiya u furay bandhiggan, ayaa hadal uu jeediyey ku muujiyey ahmiyadda Bandhigga Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa u leeyahay Somaliland, waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayaan ugu hambalyeynaynaa Jaamac Muuse Jaamac iyo hawl-wadeennada Xarunta dhaqanka Hargeysa inay joogteeyaan muddo 15 sanno ah. Hay’ad kasta oo la bilaabo wakhti ayay qaadataa, laakiin waxa kaliya ee aynu ku qiimayn karnaa muddada ay jirto iyo sida loo joogteeyo. Waxa aad u muhiim ah in 15-kaas sanno oo joogto ah halkaas la soo gaadhsiiyo oo ay noqoto hay’ad qaranka gudihiisa wax weyn ka tarta oo dhiirri-gelisa akhrista Buugaagta ee dhalinyarada..”

Munaasibaddii Furitaanka Bandhigga 15-aad ee Buugaagta Hargeysa, ayaa waxa kale oo ka hadlay Diblumaasiyiin ka socday dalalka Midowga Yurub, UK iyo Masuuliyiin ka mid ah Xukuumadda Somaliland, kuwaasi oo si isku mid ah u bogaadiyey dedaalka Xarunta dhaqanka Hargeysa ee joogtaysey Bandhigga Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta, waxaana dadkaas ka mid ah Safiirka dowladda Taiwan u fadhiya Somaliland Allen Chengwa Lou, waxaanu xusay inay Somaliland iyo Taiwan ka wada shaqeyn doonaan carwooyin iyo bandhigyo tan oo kale ah.

Lizzie Walker

Madaxa Xafiiska dublomaasiyeed ee Dowladda boqortooyada Ingiriisku ku leedahay Hargeysa, Lizzi Walker ayaa iyaduna xustay muhiimadda uu bulshada u leeyahay bandhigga Buugaagta Hargeysa oo ay ku tilmaantay madal muhiim ah oo kulmisay xirfad-yahanno iyo Aqoonyahanka dalka, waxaanay halkaa ka ballan-qaadday inay dowlad ahaan taageerayaa horumarinta akhriska iyo Qoraalka oo ay ku tilmaantay muhiimadda ugu weyn ee bandhiggani leeyahay “Aad baan ugu faraxsanahay in aan ka soo qayb galo furitaanka Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo ah kii 15-aad. mawduuca sanadkan waa midnimo oo ka tarjumaysa muhiimadda wadajirka” ayay tidhi Liza Walker, waxayna Intaa ku dartay “Waa taydii ugu horreysay ee aan rajaynayo inaan dhegeysto, wax barto oo aan wax badan akhriyo..”

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Somaliland Dr Ciise Keyd Maxamuud, ayaa sheegay inay dowlad ahaan bogaadinayaan cid kasta oo qayb ka ah qaban-qaabada iyo suurta-galinta qabsoomidda Carwada Caalamiga ah ee Hargeysa, isagoo si weyn u soo dhaweeyey taageerada ay ka geystaan saaxiibbada Somaliland ee Caalamka.

Maayarka Hargeysa, Cabdikariim Axmed Mooge

Maayarka Caasimadd Somaliland ee Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge, oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Marti-sharafta kala duwan ee Bandhigga ka qayb-galay “Anigoo ah Maayarkiinii, waan idinku soo dhaweynayaa Bandhigga Carwada Buugaagta Hargeysa oo 15 sano jirsaday..” ayuu yidhi Maayarku, waxaanu intaa ku daray “Sannad kasta waxa inoo yimaadda dad faro badan, waxaynu ku guulaysanaa inaynu qalbiyadooda hanano, markay noqdaana waxay noqdaan Saaxiibbada Somaliland..”

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Cabdixakiin Bustaale oo isaguna ka hadlay sida Bandhiggani fursad ugu yahay Qadiyadda Somaliland, ayaa yidhi “Bandhiggani waa fursad aynu dunida ku tusayno aqoonteena iyo waxaynu nahay..”

La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Wada-hadallada Soomaaliya Dr’s. Edna Aadan Ismaaciil oo iyaduna halkaa ka hadashay ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay doorka Xarunta dhaqanka Hargeysa ka qaadati iib-geynta Qadiyadda Madax-banaanida Somaliland.

Maamulaha Shirkadda Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Ducaale oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in muhiimadd Bandhiggan ay muujinayso in tirada dadka ka soo qayb-galay awgeed ay buuxsameen Hoteellada Hurdada ee Hargeysa, sidoo kalena dad badan oo iman lahaa diyaaraduhu ka buuxsameen.

“Sidaa darteed, dhaqanka iyo dhaqaaluhu ma kala hadhaan, labadaasi hadday kulmaana Waddanku wuu horumaraa, wakaa Jaamac Muuse Jaamac leh, Maanta Hargeysa way buuxsameen Hoteelladii, diyaaradihiina way buuxsameen, markaa dhaqaalaha Somaliland kor buu u socdaa, markaa waa inaynu dhiirigelinaa Jaamac Muuse Jaamac…” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Senegal oo sannadkan Carwada ku soo bandhigaysa dhaqankeeda uu baray Ciyaaryahanka Sadio Mane oo ku ciyaara kooxda Liverpool oo ka dhisan UK.

“Dalka Martida inoo ah ee Senegal, waxa I Baray Ninka Liverpool u ciyaara ee Sadio Mane,” ayuu yidhi Cabdirashiid Maxamed Ducaale.