Madaxweynaha Soomaaliya oo gaadhay dalka Tanzania

Arusha (Aftahannews)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaadhay magaalada Arusha ee dalka Tanzania, halkaasi oo uu kaga qeyb-galayo shirka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya, Madaxweynaha ayaa ka qayb-geli doona Shirka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), isagoo kulan doceedyo ku aaddan hirgelinta qorshaha Soomaaliya ee ka mid noqashada dalladdan la yeelan doona madaxda dalalka ku mideysan EAC, si uu ugu soo bandhigo faa’idada ay soo kordhinayso xubin-ka-noqoshada Soomaaliya ee dalladda, iyo guud ahaan fursadaha maalgashi iyo wax soo saarka Soomaaliya.

“Madaxweynaha ayaa ahmiyad weyn siinaya kor u qaadidda dhaqaalaha dalkeenna iyo xoojinta in Soomaaliya ay wax badan ka dheefto iskaashiga dalladdan, taas oo shacabka Soomaaliyeed u saamaxaysa inay ka faa’idaystaan fursadaha dhaqaale ee ay abuuri karto ka mid noqoshada Bulshada Bariga Afrika (EAC),” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Ururka Bulshada Geeska Afrika (EAC) waxaa ku mideysan 7-dal oo uu ka dhexeeyo hal Baasaboor iyo suuq muhiim u ah Gobolka, kuwaas oo kala ah; Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Burundi, Kenya, Rwanda, Koonfur Suudan, Uganda iyo Tanzania.

Diblomaasi sare oo reer Burundi ah, ayaa sheegay in waddankiisu uu guddoomiyenimada EAC kala wareegayo Kenya, uuna dalkiisu taageeri doono musharraxnimada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dalal kalena ay Soomaaliya taageeri doonaan.

Soomaaliya, ayaa sanadkii 2016-kii waxa ay gudbisay codsiga ka mid noqoshada dalladan, si loo xaqiijiyo fududeynta socdaalka dadka Soomaaliya, suuq-geynta wax-soosaarkooda iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya.