Isku dhac dhexmaray Booliska Soomaaliya iyo Budhcad Hubeysan

Muqdisho (Aftahannews)- Booliska Soomaaliya, ayaa sheegay in sedex budhcad ah lagu dilay isku dhacyo dhexmaray ciidanka amaanka iyo rag hubeysan xili uu socday hawlgal lagu baacasnayo rag hubeysan oo waayadan dhac iyo boob ka waday degmooyinka magaalada Muqdisho.

Askari boolis ah, ayaa sidoo kale ku dhaawacmay iskahor’imaadyada xalay Xamar laga soo weriyay.

Dhawr iyo Sodon qof, ayaa iyana loo xidhay tuhunno la xidhiidha inay ku lug leeyihiin falalka budhcadnimo ee Muqdisho ku soo kordhay maalmahan dambe.

Boolisku waxa kale oo ay sheegeen intii uu socday hawlgalku in lagu soo qabtay hub fudud oo ay isticmaalayeen kooxaha budhcadda ah.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Cabdifitaax Aadan, ayaa sheegay inay qabteen 36 qof oo lagu eedeynayo budhcadnimada iyo inay ka gacansanayeen daroogada isla markaana ay baadhayaan.

Wuxuu intaa ku daray inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka falalka budhcadnimada ah.