Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa Turkiga

Ankara (Aftahannews)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dalka Turkiga kula kulmay madaxweynaha dalkaas Recep Tayyip Erdoğan.

Waxaana haatan dalka Turkiga ka socda kulan u dhexeeya labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Sidoo kale, waxaa lagu wadaa inay ka wadahadlaan arrimo ay kamid yihiin xoojinta xidhiidhka iskaashi ee labada dal, ganacsiga, diblumaasiyadda iyo amniga.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Turkiga isagoo casuumaad ka helay madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan.