Muxuu Xasan Sheekh ka yidhi wada-hadal lala galo Al-Shabaab?

Ankara (Aftahannews)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay inaanay xilligan Soomaaliya joogin marxalad ay kula xaajooto ururka Al-Shabaab.

Xasan Sheekh oo ka hadlayay Turkiga oo uu booqasho ku joogo, ayaa sheegay in ugu dambayn ay dowladdiisu la xaajoon doonto, islamarkaana khilaafka lagu dhammayn doono si nabad ah.

 

Waxa uu sheegay inay dowladdiisu albaabada u fursayso xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee doonaya inay ka hadhaan gacan ka hadalka iyo fikirka xagjirka ah.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in dowladdiisu ay doonayso inay saddex siyaabood ku wajahdo Al-Shabaab, kuwaasi oo kala ah mid milatari, mid fikir, iyo mid dhaqaale.

Waxa uu sheegay in siyaasaddii ilaa haatan lagu soo waajahayay Al-Shabaab ayna ahayn mid ku filan, waxaana uu sheegay in siyaasadda ah in Al-Shabaab lagula hayo Soomaaliya, dhibkoodana la iska mooso ay guul darraysatay.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in mudnaanta koowaad ay tahay amniga. Waxaa dhinaca kale uu sheegay in dowladdiisu ay doonayso inay hirgeliso dib u heshiisiin bulsho iyo mid siyaasadeed oo ay ku jirto dastuur midaysan iyo dhismaha hay’addo dawli ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa dhinaca kale ammaanay xidhiidhka u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga oo uu sheegay inaanu ku salaysnayn oo keliya taageero bani’aadaminnimo balse sidoo kale uu ku salaysan yahay iskaashi.