IGAD oo war ka soo saartay colaada Itoobiya iyo Sudan

Addis Ababa (Aftahannews)- Urur goboleedka IGAD oo ka hadlay xiisada colaadeed ee u dhaxeysa Itoobiya iyo Sudan, ayaa ugu baaqay in labada dal is xakameeyaan oo ay ka fogaadaan ficillada sii kordhin kara xiisadda.

Ururka oo xubno ka yihiin labada dal, ayaa sidoo kale waxay u soo jeediyeen madaxda labada dal inay si fir-fircoon u raadiyaan habab diblumaasiyadeed si xal waara lagaga gaadho arrinta ay isku hayaan.

Baaqan, ayaa imanaya iyada oo Arbacadii uu Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AU) Moussa Faki Mahamat ugu baaqay Itoobiya iyo Suudaan inay bilaabaan wada-hadal ku saabsan muranka soohdinta.

Itoobiya iyo Sudan, ayaa hadda midba midka kale ku eedeynaya “daan-daansi”, kaasi oo ka dhashay dhacdo dad lagu dilay xuduudda oo dhacday usbuucii hore.

Sudan, ayaa waxay go’aansatay inay dacwad rasmi ah u gudbiso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ka dhan ah Itoobiya, halka wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadaas ay go’aansatay inay si deg-deg ah ugu yeedho safiirkeeda u fadhiya Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya, ayaa hore isaga fogeeyay eedeymaha loo soo jeediyay ee ah inay dileen toddoba askari oo Sudani ah oo maxaabiis ahaa, iyaga oo dhankeedana Sudan ku eedeysay in ay daan-daansi millatari ka waddo Itoobiya.