Qaar ka mid ah Dhalinyaradii tababarka loogu qaaday Eritrea oo dhintay

Muqdisho (Aftahannews)- Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar, ayaa markii ugu horeysay shaaciyay iney dhinteen qaar ka mid ah dhalinyaradii Soomaalida ee tababarka loogu qaaday wadanka Eratariya.

Afhayeenka oo la hadlaayay Talefashinka Somali Cable, ayaa sheegay inaanay jirin cid uga baahi badan dowladda Soomaaliya 5000 kun oo ciidan tababaran ah, islamarkaana dhawaan Soomaaliya dib loogu soo celin doono.

Waxuu intaa sii raaciyay Afhayeenka in dhalinyaradaasi qaarkood ay dhinteen, islamarkaana ay ka warqabaan waalidiinta kuwa dhintay iyo waliba kuwa nool, isagoona sheegay in dhalinta qaarkood ay si caadi ah u dhinteen kuwa qaarna ay tababarka dhexdiisa ku geeriyoodeen.

“Dowladda wakhtigan cid uga baahi badan ma jirto dhalinyaradaasi tababaran, maadana ahmiyada dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ay tahay mid culeys gaar ah saareysa dhanka amaanka, dhalinyarada Eratariya tababarka ugu maqan waan la keenaya dalka, kuwii nool qaarna waxay dhinteen mudadii ay tababarka ku jireen qaarna si caadi ah ayay u dhinteen waalid walbana waa ogyahay canugiisa inuu dhintay iyo inuu nool yahay waalidkii kama warqabo dhaho aniga ha ila soo xadhiidho” ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyada.

Hadalka Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa imanaya xili waalidiinta dhalay dhalinyarada 5000 ah ee ku maqan tababarka loogu qaaday dalkaasi Eratariya ay marar badan sameeyeen banaanbaxyo xoogan oo ay dowladda Soomaaliya kaga dalbanayaan in caruurtooda dib loogu soo celiyo.