Turkiga oo aqbalay in Sweden iyo Finland ay Nato ku biiraan

Recep Tayyip Erdogan

Ankara (Aftahannews)- Gaashaanbuurta Nato, ayaa daabacday heshiis lagu dardar galinayo xubinimada dalalka Sweden iyo Finland, taasi oo soo afjaraysa toboneeyo sano oo dalalkaasi ay milatari ahaan dhexdhaxaad ahaayeen.

Dalka Turkiga, ayaa hore uga soo horjeeday qorshahan,i saga oo ku eedayay Sweden iyo Finland inay martigaliyaan dad u dhaqdhaqaaqa Kurdiyiinta oo uu Turkiga u arko aragagixiso.

Balse xalay madaxwaynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ka tanaasulay diidmadaasi taa badalkeedana waxaa uu Turkiga qaatay dammaana-qaad dhanka amaanka ah.

Xukuumadda Moscow, ayaa ballaarinta Nato ku tilmaamtay mid xasilooni daro abuuraysa.