Ciidamada Sudan oo weerar ku qaaday Itoobiya iyo deegaano ay qabsadeen

Khartoum (Aftahannews)- Ciidamada Sudan, ayaa weerar culus ku qaaday ciidamada Itoobiya ee ku sugan xuduudda, xilli ay xiisad xooggan ka dhex-qaraxday labada dal. 

Weerark,a ayaa yimid kadib markii la dilay toddaba askari oo reer Sudan ah oo ay qabteen ciidamada Itoobiya 22-kii June, islamarkaana meydadkooda la soo dhigay waddooyinka iyada oo sawirradooda la wareejinayey baraha bulshada. 

Itoobiya, ayaa Isniintii beenisay eedeymaha Sudan ee ah inay qabteen islamarkaana dileen toddoba askari oo Sudanese ah iyo dad shacab ah, waxayna dilka ku eedeysay maleeshiyo deegaanka ku sugan. 

Taliyaha ciidamada Sudan Abdel Fattah al-Burhan, ayaa hore u ballan-qaaday inay ka aargudan doonaan weerarka Al-Fashaga.

Ciidamada Sudan, ayaa gantaallo culus ku garaacay xuduudda, balse lama soo werin wax khasaare ah, sida uu sheegay Assefa Ashege, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan maamulka gobolka Amhara ee Ethiopia.

Waxay awood u yeesheen inay qabsadaan deegaanada Jabal Kala al-Laban, Barkhat, Tesfai Adawi iyo al-Fashaga, sida uu sheegay sarkaal Sudanese ah. Waxa uu intaas ku daray in sidoo kale ay qabteen dhowr askari oo Itoobiyaan ah.

Laba ilo-wareed oo ku sugan deegaanka, ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in ciidamada Sudan ay la wareegeen maamulka deegaanka Jabal Kala al-Laban, islamarkaana ay burburiyeen saldhig militari oo halkaas ku yaalla. Ma cadda haddii saldhigga ay leeyihiin ciidamada Itoobiya ama maleeshiyo.

Ilo-wareedyo ka tirsan dowladda Sudan, ayaa sheegay inay cabasho rasmi ah u gudbisay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo ku saabsan dilkan.