Ilhaan Cumar oo gacan weyn ka geysanaysa xaaladda abaarta ee Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews)- Ergayga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha iyo Gargaarka Bani’aadannimo ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan dhanka Internet-ka ah la qaatay Ilhaan Cumar oo ah xildhibaan laga soo doortay Gobolka Minnesota.

Ergeyga Gaarka ah, ayaa u mahadceliyey Ilhaan Cumar iyo dowladda Mareykanka taageerada ay la garab taagan yihiin dadka Soomaaliya ee ay abaaruhu saameeyeen.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa si gaar ah u xusay oo ka mahad celiyay 55 milyan oo dollar oo uu Mareykanka ugu deeqay sidii wax looga qaban lahaa abaaraha baahsan ee Soomaaliya.

Ergeyga, ayaa ugu baaqay xildhibaanka laga soo doorto gobolka Minnesota Ilhaan Cumar in ay dowladda Mareykanka sii laba jibaarto wax u qabashada dadka Soomaaliya.

Wakiilka Gobolka Minnesota, IlhaanCumar, ayaa ballan qaaday inay gacan ka geysan doonto ololaha ka socda gudaha Mareykanka iyo sidoo kale isku xidhka deeq bixiyayaasha iyo hay’addaha samafalka ee Soomaaliya.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in ay ka qeyb qaadan doonto isku xidhka Soomaalida Mareykanka iyadoo ku tilmaantay Soomaalida in ay yihiin dad wanaagsan oo isku gargaara meel kasta oo ay caalamka ka joogaan.