Madaxweynaha Soomaaliya oo ka bogsooday cudurka Covid-19

Muqdisho (Aftahannews)- Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa markale ka warbixisay xaalada caafimaadka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmo ka hor laga helay cudurka COVID-19, xili uu ka soo laabtay safar uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabka.

Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in baadhitaano kala duwan oo lagu sameeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud laga waayay cudurka COVID-19, islamarkaana xaaladdiisa Caafimaad ay tahay mid aad u wanaagsan.

Wuxuu intaasi ku daray in madaxweyne Xasan uu ka bogsooday xanuunka, islamarkaana uu gudan nayo waajibaadkiisa shaqo, isagoo tixraacaya tilmaamaha ee Caafimaadka ee COVID-19.

“Madaxweynaha waa la baadhay mar kale, waana laga waayey xanuunkii COVID-19, waxaana umadda Soomaaliya ee xogta madaxweynaha raadineysay la wadaagayaa in maanta baadhitaankii madaxweynaha la mariyey uu muujiyey inuu ka bogsooday cudur Covid-19” ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Cabdikariin Cali Kaar.

Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sidoo kale sheegay in madaxweyna Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu dhawaan la hadli doono shacabka Soomaaliya ee ka walwalsana xaaladiisa Caafimaad.