Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo si rasmi ah xilka ula wareegay

Muqdisho (Aftahannews)- Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay Maxamed Xuseen Rooble oo ahaa Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya tan iyo bishii September ee sanadkii 2020.

Waxaana xafladda xil-wareejinta goob-joog ka ahaa guddoomiyeyaasha labada aqal, golaha wasiirrada, xildhibaanno iyo marti-sharaf kale.

Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa Sabtidii ansixiyay Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu 16-kii June u magacabay xilka Ra’iisal Wasaaraha.

Ra’iisal Wasaare Xamse, ayaa sheegay in uu soo dhisi doono xukuumad ka shaqeysa sugista amniga, abaaraha, dastuurka, xasllooni siyaasadeed iyo dib u heshiisiin Soomaaliya.