Itoobiya oo Magacawday Guddi wadahadal la geli doona TPLF

Addis Ababa (Aftahannews)- Dowlada Itoobiya, ayaa waxaa ay guddi u magacawday wadahadal la geli doona falaagada gobolka Tigreega ee TPLF ee dagaalka ay kula jirtay.

guddigaas oo ka kooban 7 xubnood, ayaa waxaa hoggaaminaya Ra’iisal wasaare ku xigeenka Itoobiya Damake Mekonin.

Guddigan, ayaa waxaa ku jira xubno culus oo xilal sare ka haya dowladda federalka Itoobiya, sida Taliyaha Sirdoonka Itoobiya, lataliyaha Ra’iisal wasaare Abiyi Axmed ee dhanka amniga iyo xubno kale.

Dowladda Itoobiya, ayaa guddigan u magacwaday si xal nabadeed lagaga gaadho dagaalka sokeeye ee mudada sannad iyo badhka ka soconayay Waqooyiga Itoobiya, kaas oo u dhaxeeyay dowladda Itoobiya iyo TPLF.

Labada dhinac eeDowladda Itoobiya iyo TPLF, ayaa hore waxay iskugu raaceen inay wadahadal gali doonaan, kaas oo ay gadhwadeen ka yihiin Midowga Afrika kana dhici doona dalka Kenya.

TPLF wali kama ayna hadlin xubnahan ay dowladda Itoobiya u soo magacawday inay wadahadal la galaan TPLF.