Puntland oo War ka Soo Saartay Nin Maqane ah oo ay ku ridday Xukun Dil ah

Boosaaso (Aftahannews)- Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada Puntland Gaashaanle Maxamed Xuseen Axmed, ayaa war cusub ka soo saaray xukunka dilka ah oo isaga oo maqane ah lagu ridday Cabdiraxmaan Shirwac Aw-siciid (Laahoor), kaas oo mar dambe soo hadlay, isla-maraakana beeniyey inuu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab.

Laahoor oo wareysi siiyey VOA-da, isaga oo ku sugan dhulka miyiga ee gobolka Bari, ayaa iska fogeeyey eedeynta loo jeediyey, wuxuuna shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay inuu hor yimaado hay’addaha garsoorka, gaar ahaan maxkamaddii xukuntay, si uu uga gar-baxo.

Xeer ilaaliyaha oo arrintaasi ka hadlayey, ayaa dhankiisa sheegay in Cabdiraxmaan Laahoor uu yahay dambiile, isla-markaana ay hayaan caddeymo iyo markhaatiyeyaal.

Gaashaanle Maxamed Xuseen Axmed, ayaa xusay in markii la soo qabtay shabakaddii uu hoggaaminayey uu u baxsaday deegaanada ay Daacish ka joogaan gobolka Bari.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in illaa saddex jeer oo hore la xidhay, balse ay sii deyntiisa ka dambeeyeen odayaal dhaqameed ku difaacayey qabiil, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay, haddii aanu dambi laheyn inuu yimaado Boosaaso, isla-markaana uu iska difaaco eedaha loo heysto ee ah inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab.

Hadalkan, ayaa kusoo beegmaya, iyada oo dhawaan maxkamadda ciidamada Puntland ay toogasho ku xukuntay 5 nin oo uu ku jiro Laahoor oo maqane ah, kadib markii ay sheegtay inay ku heshay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, ayna weeraro ka geysteen Boosaaso.