Xukuumadda Somaliland oo Amar ku soo Rogtay Shirkadaha Laydhka

Hargeysa (Aftahannews)- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in ay tallaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadi doonto haddii ay Shirkadaha Korantada ku kacaan go’aankii ahaa inay laydhka demin doonaan laga bilaabo kowda Bisha August 11:00 Habeenimo ilaa 4:00 Subaxnimo.

Guddoomiyaha Koomishanka Tamarta Somaliland Axmed Faarax Cadarre oo Warbaahinta la hadlay, ayaa waxa uu sheegay in dastuurka ay ku cadahay in laydhka qaranku iska leeyahay, waxaana uu in taasi ku daray in Shirkadaha Korantada aanay u hogaansamin sharciga.

Axmed Cadarre oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa ayaan darro ah in shirkadaha laydhka iyaga oo isticmaalaya magac aan lagu midaysnan ay ka daba hadlaan Golaha Wasiirada, waxa halkaa ka muuqata madax adayg iyo in aanay sharciga u hoggaansanayn, taasina waxa ay ku tahay qaranka Somaliland wax aan loo dulqaadan karin. waxaana khalkhal la galiyay bulshadii in ay yidhaahdaan laydhkii waanu daminaynaa saacado go’an marka laga bilaabo kowda bisha Agust sida uu sheegayo Dastuurka Somaliland laydhka iyo Biyaha Qaranka ayaa iska leh, waxaana uga wakiila cidii liisamada loo siiyo haday markaa masuuliyadeeda gudan waayaan waa arin qaran. nasiib ayay u yeesheen in qaranka qaybtaas shaqadeeda u hayaan Xukuumadda ayaana ku ilaalinaysay aad ayaana loo tixgaliyay oo dhaqaale ayaa la galiyay, waana ku sumcad darro in ay sidaa u hadlaan masuuliyadda laydhka waa shayga ugu qaalisan ee taabta Umadda waxaana uga wakiila Koomishanka tamarta Somaliland oo jaagoynta qiimaha ayaa dastuurka u xilsaaray Xukuumadda”.

Sidoo kale Axmed Cadare, ayaa waxa uu tilmaamay in Shirkadaha laydhka aanay ku dhawaaqi karin qiimo aanay kala tashan Koomishanka Tamarta.

”Shirkadaha kuma dhawaaqi karaan qiimo aanay kala tashan Koomishanka Tamarta qaran keena ayaan u baran in lala xisaabtamo waana halka imika dhibta ka taagan tahay, waxa aan u sheegaynaa shirkadaha iyo Shacabka Somaliland in aanay cidina awood u lahan in ay yidhaahdaan Laydhka waanu daminaynaa.haday ku kacaan falkaas waxa Xukuumadda uga yaala siyaasad cad oo talaabadeeda ay qaadi doonto,waxaana taagan oo danaynaya reer Somaliland cidaa ka faro badan oo u arka in ay tahay fursad ay banaynayaan mudadaa gaaban ee leeyihiin waanu daminaynaa laydhka cidii buuxinaysay Koomishanka waxa uu u diyaar yahay in uu ku soo dhaweeyo. wixii ka hor imanaya danaha reer Somaliland Dastuurku waxa uu ka dhigay waxba kama jiraan,waad la socotaan in talaabo adag laga qaaday shirkadihii laydhka haday kalifayso sharciga ayaa saran doona oo talaabo sharciya ayay qaadi doontaa Xukuumadda”. ayuu yidhi Guddoomiyaha Koomishanka Tamarta Somaliland Axmed Faarax Cadarre.