Xiisadda Sudan iyo Itoobiya oo mar kale cirka isku shareertay

Itoobiya iyo Suudaan

Khartoum (Aftahannews)- Sida lagu sheegay bayaan ay daabacday wakaaladda wararka ee Anbar ee Suudaan, ciidamada Sudan, ayaa balan qaaday in ay jawaab ku haboon ka bixin doonaan dilka ay ciidamada Itoobiya ay kufulisay ilaa 7 askari oo Suudaani ah iyo qof rayid ah.

Arrintan, ayaa soo cusbooneysiisay muranka xuduudda ee u dhexeeya labada dal oo muddo socday in kabadan tobanaan sano.

Ciidamada Suudaan, ayaa tacsi u diray ehellada askartaasi, iyagoo sheegay in falkan aanu noqon doonin mid jawaab la’aan ah.

Ciidanka Suudaan waxay bayaankooda ku sheegeen: “Falkan wuxuu ka hor imanayaa dhammaan shuruucda iyo caadooyinka dagaalka iyo sidoo kale xeerarka caalamiga ah ee bini’aadantinimada.

Waxay ku eedeeyeen ciidammada Itoobiya inay soo bandhigeen meydadka askartaasi oo lagu toogtay goob fagaara ah oo shacabka hortiisa ah, waxayna wacad ku mareen inay si ku habboon uga jawaabi doonaan falkan fulaynimada ah, maadaama dhiiga dadka reer Sudan uu yahay mid qaali ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Suudaan, ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in Suudaan ay si degdeg ah ugu yeedhi doonto safiirkeeda u fadhiya Addis Ababa si ay wadatashi ugala yeeshaan dhacdadan.

Wasaaradda, ayaa waxa ay intaa ku dartay in ay sidoo kale u yeedhi doonto safiirka Itoobiya u jooga Khartoum ah si ay ugu wargeliso sida ay u cambaaraynayso falkaasi.

Ilaa hadda ma jiro wax jawaab ah oo ka soo baxay dhinaca Itoobiya oo ku aadan eedeynta Suudaan.