Wasiir Beyle xaq ma u leeyahay inuu diido yeedhmada xafiiska xeer ilaalinta?

Muqdisho (Aftahannews)- Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa diiday inuu hortago xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya oo maanta looga yeedhay.

Xafiiska xeer ilaalinta Soomaaliya, ayaa warqad ay soo saartay waxay wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ka dalbatay inuu hor yimaado si loo waydiiyo arrimo la xidhiidha maaliyadda oo sida xafiisku sheegay uu baadhitaan ku wado.

Wasiir Beyle, ayaa diidmadiisa u sababeeyay in xafiiska xeer iaalinta inaanu awood u lahayn inuu u yeedho, balse qofka keliya ee u yeedhi kara waxna waydiin kara uu yahay Garyaqaanka guud ee Soomaaliya.

Haddaba doodda labada dhinac muxuu sharcigu ka qabaa? BBC-da, ayaa  su’aashaas waydisay Cabdiraxaamn Maxamed Xasan (Qaanuuni) oo ah abukaate waxna ka dhiga Jaamacadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Cabdiraxaamn Maxamed Xasan (Qaanuuni), ayaa sheegay in xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Soomaaliya uu xaq u leeyahay inuu baadhis hor dhac ah sameeyo ha ahaato mid hay’ad maaliyad khusaysa ama ha ahaato mid qof shakhsi ah oo caadi ah khusayso ama ha ahaato hay’addaha kale ee dowladda.

“Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka si guud wuxuu xaq u leeyahay inuu sameeyo baadhis hordhac ah oo ku saabsan dambi inuu dhacay la filayo ama kuwa laga shaki qabo isagoo gudanayo waajibaadkiisa sharci sida ku xusan qodobka 12-aad ee xeerka ciqaabta Soomaaliya,  sidoo kale qodobka 8-aad ee xeerka garsoorka Soomaaliya, sidoo kale qodobka 69-aad xeerka habka ciqaabta Soomaaliya iyo qodobka 70-aad ee xeerka ciqaabta Soomaaliya, waxaana markaas kadib xeer ilaaliyaha u soo baxayo waxa uu baadhayo inay yihiin wax jira oo mudan in maxkamad loo gudbiyo iyo in baadhitaanka ay uga soo baxdo inaanu dambi jirin, xaq ayuuna u leeyahay inuu baadho kiisaska” ayuu yidhi Qaanuuni.

Qaanuuni oo wax laga waydiiyay haddii uu wasiir Beyle xaq u leeyahay inuu diido u yeedhista xeer ilaaliyaha, ayaa sheegay inaanu wax sharci ah u haysan inuu diido warqadda ka soo baxday xeer ilaalinta ee lagaga codsaday inuu hor yimaado.

“Waan aragnay qodobada uu wasiir Beyle soo qaatay oo leh garyaqaanka guud ayaa xaq u leh inuu maxkamadaha hortooda ka difaaco hay’addaha dowladda, waa sax qodobkaas, laakiin ma jirto dacwad wasiirka laga gudbiyay oo hortaala maxkamadaha oo uu garyaqaanku ka difaacayo, garyaqaanka wuxuu difaacaa dacwooyinka ka dhanka ah hay’addaha dowladda ee hor yaala maxkamadaha, sidaas darteed ma jirto wado hadda u furan garyaqaanka guud oo uu ku difaaco wasiirka maaliyadda” ayuu yidhi Qaanuuni.

Qaanuuni, ayaa sheegay in warqadda ka soo baxday xeer ilaalinta Soomaaliya ay kaliya ku qorneyd in wasiirka wax laga waydiiyo arrimo la xidhiidha maaliyadda.

Abuukaate Qaanuuni, ayaa ugu dambeyn ku baaqay in si arrintan loo xaliyo loo baahan yahay in hanta-dhowraha guud uu marka hore sameeyo baadhitaan haddii la helo caddeymo muujinaya inay jiraan wax isdaba marin maaliyadeed markaas kadib in loo gudbiyo xeer ilaalinta sharcigana looga waco qofka ay khuseyso.