Somaliland: Wajiyada Badan ee Ganacsatada Qaadka – Warbixin

Hargeysa (aftahannews):- Qaadku waa mid lagu kala aragti duwan yahay Somaliland ka ganacsigiisa iyo cunistiisaba, waxaanu dadka qaar ugu jiraan ama ay aaminsan yihiin inuu kamid yahay quutal-daruuriga, halka kuwo kale ay qabaan in cunistiisa iyo ka ganacsigiisuba ay xaaraan yihiin.

Sidaasoo ay tahay tobanaankii sannadood ee u dambeeyey waxa dalka Itoobiya looga soo dhoofinayey Kumanaan Tan oo jaad ah, manuu lahayn wakhti cayiman oo uu dalka soo galo iyo qaab qorsheysan oo lagu maamulo soo gelitaankiisa.hadh iyo habeenba gaadhiga Jaadka sidaa wuxuu magaalooyinka ku soo gala dhawaqa hoonka iyo xawaare halis ah.

Asal ahaanba Qaadka waxa laysku raacsan yahay oo loo aqoonsanyahay inuu yahay maandooriye khatar ku ah caafimadka, nololsha, dhaqaalaha iyo dhaqanka Bulshada. Tani waa sababta ay inta badan dadka dareensan dhibaatadiisu uga digaan bulshada isticmaalkiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa marar badan ka hadlay dhibaatooyinka uu dalka iyo dadkaba ku hayo.
Haddaba, iyadoo uu jaadku dhibaatooyinka aynu xusnay ku hayo Umadda Somaliland, ayaa waxa maanta oo ay taariikhdu tahay 26 June Magaalada Hargeysa shir jaraa’id ku qabtay xubno sheegtay inay yihiin masuuliyiinta Shirkaddaha Jaadka soo dejiya, kuwaasoo ka dhawaajiyey inay joojinayaan qaadkii ay ka keenayeen dalka Itoobiya, taas bedelkeedana ay u aroorayaan wadamo kale oo Qaadka laga beero, sida Kenya iyo Yemen.

Xubnahan ayaa hadalkooda laga dhadhansanayey inay Itoobiya isku qabteen arrimo dhaqaale, isla markaan ay ka arki waayeen dantooda, iyagoo dhinaca kale kashifay xaddiga dhaqaalaha ay sida maalinlaha ah uga saaraan waddanka iyo in aanay waxba ku soo celin.

Si kastaba ha ahaatee, marka la eeggo doodda ka soo yeedhay Jaadleyaashan ka ganacsada maandooriyaha, duruufaha uu gaadhsiiyey jaadku dadka reer Somaliland iyo dariiqyada ay hadda doonayaan inay qardo-jeexaan si ay u soo furaan suuq cusub oo ganacsi.

Dhammaan qodobbadani waa kuwo ina tusinaya inay kooxdani ku mabtay dhiigga iyo Dhaqaalaha Umaddan la tabaalaysan xaaladaha kala duwan ee ku gedaaman, sida sicir-bararka saameeyey Maceeshada daruuriga ah, Shidaalka iyo qaybaha kala duwan ee nololsha, taasoo aanay iyaguna dhankooda waxba uga jixin jixin sixirka ay ku iibiyaan darooggadan oo bilihii u dambeeyey qaali ahaa.

Sidoo kale, warkan ka soo baxay Jaadleyaasha maanta hadlay, waa mid ka soo horjeeda shuruucda caalamiga ah iyo dhaqankaba, maaddaama ay tahay madnuuc in baddeecadaha noociisa ah laga xayeysiiyo Warbaahinta.