Dalka Jabuuti oo u Dabbaaldegay 45-guurada Kasoo Wareegtay Xorriyadda uu Ka Qaadatay Faransiiska 27 June 1977-kii

Dijibouti (Aftahannews)- Dalka Jabuuti, ayaa maanta si weyn looga xusay 45 guurada ka soo wareegtay markii dalkaasi xornimada ka qaatay Faransiiska sannadkii 1977-kii.

Waxaana Caasimadda Jabuuti lagu qabtay bandhig ay qaybaha bulshada oo ay ku jiraan ciidamada kala duwan ee dalkaasi ay socod ku mareen.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa guddoomiyay munaasibadda xuska calanka, iyadoo dadweyne tira badan ay ka qeyb galeen dabaaldegga balaadhaan ee ciidamada kala duwan ee dalka Djibouti.

Inta ay socota munaasabadda xuska maalinta xorriyadda waxaa xadhigga laga jaray taallo loogu tala galay halgamayaashii naftooda ku waayay halgankii gobonnimo doonka ee dalkaasi.

Munaasabadda dabaaldegga waxaa lagu soo bandhigay hub badan iyo gawaadhida gaashaaman ee dagaalkaas, waxaana la arkayay ciidamo kala duwan oo gaada ka ciyaar ku maraya halkii ay xafladda ka socotay iyadoo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu salan sharaf ka qaatay ciidamada.