Koox hubeysan oo gudaha u gashay magaalo ku taalla Itoobiya

Addis Ababa (Aftahannews)- Koox hubeysan, ayaa gudaha u gashay qeybo ka mid ah magaalo weyn oo dhacda galbeedka Itoobiya, sida ay sheegeen dadka deegaanku.

Dad ku sugan magaalada Gambella, ayaa sheegay in xafiisyadii iyo goobihii ganacsiga ay xidheen kadib dagaalka sii xoogeystay.

Dagaal, ayaa sidoo kale ka socdaa agagaarka Madaxtooyada, sida dadka deegaanku ay sheegeen.

Madaxweynaha gobolka, Umod Ujulu, ayaa sheegay in aanu wax war ah ka heyn arrintani.

Dagaalo, ayaa sidoo kale laga soo sheegayaa inay ka socdaan magaalooyin ka tirsan gobolka dariska la ah Oromia.

Geesta kale, ugu yaraan 5 qof, ayaa ku dhimatay qarax bambaano oo ka dhacay gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya.

Qaraxan, ayaa ka dhashay kadib markii ciidamada ammaanka ay isku dayeen in ay hub ka dhigis ku sameeyaan shaqsiyaad la xidhay, sida ay sheegeen booliska Itoobiya.

Qaraxan, ayaa ka dhacay magaalada Dessie Isniintii. Sida laga soo xigtay ciidamada booliska ee magaalada afar qof oo ay ku sheegeen ‘budhcad’ ayaa la qabtay , waxaana la geeyay saldhigga booliska ah balse waa ay diideen inay ku wareejiyaan hubkii ay wateen.

Laba ka mid ah ciidamada ammaanka iyo saddex ka mid ah maxaabiista, ayaa ku dhintay qaraxa, kaasi oo ay boolisku ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen raggaas.

Olole ay mas’uuliyiintu ugu magacdareen hawl-galka sharciga ah, ayaa lagu xidhay in ka badan 6000 oo qof oo ku nool gobolka Axmaarada.