Qiimaha Shidaalka Mareykanka oo cirka isku shareeray

Washington (Aftahannews)- Qiimaha shidaalka lagu shubto gaadiidka, ayaa haatan maraya halkii ugu sarraysay ee uu gaadho dalka Mareykanka, iyada oo toddobaadkan lagu iibinayay halkii gallon ee shidaal ah in ka badan $5. Halka US Gallon ayaa u dhigma 3.78 litter, waxaana qiimaha shidaalka ee halka litir uu noqonayaa illaa $1.33 dollar.

Dalka Mareykanka, Qiimaha shidaalka, ayaa haatan noqday mid isbed-beddela, oo aan meel fadhiyin. Joseph Pierre oo ku nool gobolka New York, ayaa sheegay in gaadhigiisa oo uu markii hore ku buuxsan jiray $25 uu haatan ku buuxsado $40 illaa $45 dollar.

Joseph oo ah tagsiile, ayaa sheegay inaanu haatan lacag badan samaynin, taas oo ay ugu wacan tahay qiimaha sarreeya ee shidaalka iyo dadka oo aan iyagu dan ka gelin arrintan, kuwaas oo qaar badan oo ka midi aanay siinin isaga lacagaha dheeraadka ah ee la siiyo qofka adeegga kuu qabta.

Gobolka California, ayaa ka mida meelaha ugu qaalisan dhinaca shidaalka marka la joogo dalkan Mareykanka, waxaana halkii litir lagu iibiyaa illaa $1.71 dollar.

AP