Qaramada Midoobay oo ka digtay dib u dhaca ka jawaabida macluusha ka jirta Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews)- Qaramada Midoobay, ayaa warbixin ay maanta soo saartay musiibo degdeg ah ku tilmaamtay xaaladda 213,000 qof oo ka mid ah dadka ay sida xun u saamaysay abaarta, kuwaas oo qeyb ah qiyaastii 7.1 milyan oo Soomaaliya ku nool.

Qaramada Midoobay, ayaa ka digtay dib u dhaca ka jawaabida lagaga hortagayo macluusha ka jirta Soomaaliya, iyadoo in ka badan 200,000 oo qof ay qarka u saaran yihiin inay u dhintaan macluul.

“Waa inaan si deg deg ah wax uga qabanaa sidii looga hortagi lahaa masiibo bini’aadantinimo,” El-Khidir Daloum, oo ah madaxa hay’adda cunnada Adduunka ee Soomaaliya, ayaa ku yidhi warbixin uu soo saaray isniinta maanta.

Qaramada Midoobay, ayaa sidoo kale sheegtay in deegaanno badan oo ka mid Soomaaliya ka mid ah ay halis ugu jira macaluul, gaar ahaan koonfurta, islamarkaana gobollada ay amni-darrada iyo colaaduhu ka dhigayaan gargaarka bani’aadamnimo mid aad u adag.

Hay’addaha Samafalka, ayaa intii u dhaxaysay January iyo April 2022 waxa ay gaadhsiiyeen dad gaadhaya 2.8 milyan oo qof oo isugu jira kuwo naf-badbaadin ah iyo kuwo macluusha ah, kuwaas oo la gaadhsiiyay kaalmooyin abaareed iyo barnaamijyo lagaga hortagayo macluusha, balse qiimaynta cusubi waxay si cad u muujinaysaa in aan wali la gaadhin baaxadda mucaawinada la gaadhsiinayo iyo dhaqaalaha beesha caalamka. ku filan si loo ilaaliyo kuwa halista ugu jira.

Tirada dadka ay soo food saartay gaajada iyo macaluusha, ayaa kor u kacday 160% tan iyo bishii Abriil, sida ay sheegeen hay’adda Cunnada iyo Beeraha (FAO) iyo hay’adda ka digta Macluusha ee uu Mareykanku maalgeliyo.

Qiimaha cuntada oo saameeya kuwa ugu nugul

Qoysaska Soomaaliyeed, ayaa sii kordheysa awoodin la’aanta in ay la tacaalaan sicir bararka sare u kaca cunnada iyadoo cunnada Soomaaliya  ay noqotay mid gabaabsi ah xilliyo xidhiidh ah oo uu wax soo-saarka gudaha ah uu liito, dhimashada xoolaha iyo qiimaha cuntada dibadda laga keeno oo gaadhay heerkii ugu sarreeyay qayb ahaan, iyada oo ay sabab u tahay colaadda Ukraine.

Sidoo kale, Qeybo ka mid ah Soomaaliya, waxaa sare u kacay qiimaha cunnada oo gaadhay 140 – 160%, taasoo keentay in qoysas danyar ah ay gaajoodaan oo ay caydhoobaan.

“Waa inaan si degdeg ah wax uga qabannaa si aan uga hortagno masiibo bini’aadantinimo. Nolosha dadka aadka u nugul ayaa durba halis ugu jira nafaqo-xumo iyo gaajo, mana sugi karno in lagu dhawaaqo macluusha,” ayuu yidhi El-Khidir Daloum, madaxa hay’adda cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) ee Soomaaliya.

“Waa tartan ka dhan ah wakhtiga si looga hortago macluusha iyo Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa kor u kacaysa intii suurtagal ah, iyada oo mudnaanta siinaysa kheyraadkeena xaddidan si loo badbaadiyo kuwa khatarta ugu badan. Laakin sida tirooyinkan cusubi muujinayaan, waxaa jirta baahi degdeg ah oo loo qabo dhaqaale dheeraad ah si loo daboolo dhibaatadan sii kordhaysa ee gaajada,” ayuu yidhi.

Ku dhawaad ​​3 milyan oo xoolo ah ayaa ku dhintay abaarta tan iyo bartamihii 2021-kii, hoos u dhaca ku yimid wax soo saarka hilibka iyo caanaha, ayaa sidoo kale horseeday nafaqo-xumo ka sii daraysa, gaar ahaan carruurta yaryar ee ku nool dhulka xoolo-dhaqatada ah oo ku tiirsan sahayda gudaha. Laga soo bilaabo March 2022, qiyaastii 1.5 milyan oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay 5 sano ayaa wajahaya nafaqo-darro ba’an dhammaadka sannadka, oo ay ku jiraan 386,400 kuwaas oo ay u badan tahay inay hayso nafaqo-xumo ba’an – oo kordhay 55,000 marka loo eego qiyaasihii hore.

Xaaladda nafaqo-xumada, ayaa laga yaabaa inay ka sii darto iyadoo xaaladda nafaqadu ay aad uga sii darayso goobaha ay dhibaatadu ka dhacday, iyadoo carruurta iyo dadka nugul ay yihiin kuwa ugu daran.

“Tani waa dhibaato caruureed. Ma aha oo kaliya ku saabsan biyaha ama nafaqada, laakiin sidoo kale ku saabsan carruurta luminaya waxbarashada, u nuglaashaha arrimaha ilaalinta carruurta iyo caafimaad xumo; dhamaantood saamaynaya mustaqbalkooda,” ayay tidhi Angela Kearney, Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya. UNICEF waxa ay taageertay daaweynta in ka badan 114,000 oo carruur ah oo ay hayso nafaqo-xumo ba’an intii u dhaxaysay Jannawry iyo Abriil 2022. “Waxaan daweyneynaa carruurta laakiin hadda waxaan u baahannahay dhaqaale dheeraad ah si aan uga hortagno macluusha iyo ilaalinta mustaqbalka ilmo kasta oo Soomaaliyeed,” ayay tidhi.

Xaalad murugo leh maadaama maalgelinta bini’aadantinimo ay aad u yar tahay

Xaalada cakiran ee sugnaanta cunada, ayaa soo ifbaxeysa iyadoo dhaqaalaha bini’aadantinimo ee beesha caalamka ay ka gaabiyeen ilaa hadda wax ay u baahan yihiin jilayaasha si looga hortago macluul dalka ka dhacda. Qorshaha Kajawaab celinta Bani’aadamnimada ee 2022 hadda waxa la maalgeliyay 18% oo keliya. Etienne Peterschmitt, wakiilka FAO ee Soomaaliya ayaa yidhi “Taageeradii loo baahnaa weli si buuxda uma hirgelin, boqollaal kun oo Soomaali ahna waxay halis ugu jiraan gaajo iyo dhimasho.”

“Waa wax laga xumaado in la arko heerka dhibaatada gaar ahaan dadka reer miyiga ah ay soo food saartay, waxaana nala xaddiday waxa aan sameyn karno si aan uga hortagno dhibaatadan aan caadiga ahayn. Waxaan ugu baaqaynaa beesha caalamka inay si degdeg ah wax u qabtaan iyadoo aan weli haysanno rajo ah inaan ka hortagno burburka hab-nololeedyada, laga yaabo inay dad badan ka barakacaan miyiga oo ay u barakacaan xeryaha barakacayaasha iyo macluul baahsan oo ka jirta Soomaaliya,” ayuu yidhi.