Wefdi hordhac u ah Madaweynaha Jabuuti oo soo gaadhay Muqdisho

Muqdisho (Aftahannews)- Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaadhay Wefdi horudhac u ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumer Geelle oo maalmaha soo socda lagu wado inuu soo gaadho magaalada Muqdisho.

Wefdigan oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Jabuuti, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo xidhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Ismaacil Cumer Geelle, ayaa ka qayb galaya Caleema Saarka Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, oo 9-ka Bishan Jun ka dhacaysa magaalada Muqdisho.

Wafuud kala duwan oo isugu jira madaxda Geeska Afrika, ayaa lagu casuumay Caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.