Abiy Axmed iyo wefdi uu hoggaaminayo oo gaadhay Gobolka Oromia

Bole Robe (Aftahannews)- Wefdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa gaadhay magaalada Bole Robe ee gobolka Oromada. si ay u booqdaan howlaha beeraha ee deegaanka.

Wefdiga Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, ayaa waxaa ka mid ah Mas’uuliyiin sarsare oo heer federaal iyo heer dowlad goboleed ah, Ra’iisal Wasaarihii hore ee Itoobiya Hailemariam Desalegn, Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Geeska Afrika, Olusegun Obasanjo iyo Wakiilka Bangiga Adduunka ee Itoobiya Ousmane Dione.

Waxaana wefdiga ra’iisal wasaare Abiy Ahmed halkaasi ku soo dhaweeyay dad tiro badan oo ka mid ah dadka deegaanka Bole Robe.

Wefdigan, ayaa sidoo kale waxaa ay booqasho ku mareen hawlaha beeraha iyo hawlaha la xidhiidha deegaanka Bale ee Gobolka Oromia.

Image

Image

Image

Image

Image

Image

 

Image