
War-Saxaafaddeed ka soo baxay Xafiiska Raysal-wasaaraha Soomaaliya Khamiista maanta, ayaa lagu sheegay in magacaabidda Agaasimaha NISA ay ahayd soo jeedin ka timid Wasiirka amniga Soomaaliya, isla markaana Golaha Wasiirradu ku meelmariyey shirkoodii Khamiista.
Mahad Maxamed Salaad, ayaa sidaas ku waayay xubintii Xildhibaannimo ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya, maaddaama oo Dastuurka Soomaaliya oggolaanayn in Xubin ka tirsan Baarlamaanka uu qabto xil aan ka ahayn Wasiir.
Agaasimaha Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii ku eedeeynayay Hay’adda NISA inay ka dambeyso dilkii Ikraan Tahliil Warsame iyo Dad badan oo kale.
Lama oga waxa ay magacaabist Mahad Salaad ka beddeli doonto in la helo ciddii ka dambeysay dilka Ikraan Tahliil, kadibna caddaalada la horkeeno.
Mahad Salaad wuxuu ka mid yahay saaxiibbada ugu dhaw ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaanu ahaa Xidlhibaannadii mucaaradka ugu adag ku ahaa dowladda Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.