Somaliland: Kulankii Mucaaradka iyo Madaxweyne Biixi oo Natiijo la’aan ku soo idlaaday

Hargeysa (Aftahannews)- Kulan caawa madaxtooyada ku dhexmaray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Hoggaanka Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani, ayaa natiijo la’aan ku soo dhamaaday, sida ay sheegeen Guddoomiyeyaasha labada Xisbi.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradku ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta la hadlay, ayaa faah-faahin ka bixiyay kulankii ay xalay madaxtooyada kula yeesheen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inay Madaxweyne Biixi ka wadahadleen arrinta doorashooyinka, furista Ururadda siyaasadda, arrinta Koomiishanka iyo in la bilaabo diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashada.

Faysal, ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse ay u tageen isaga oo qorshihiisii uu dhisay diifacaya, isla markaana ku adkaystay go’aankiisii hore ee ahaa inuu furo Ururrada, sidoo kalena aanu diyaar u ahayn wadatashi, islamarkaana uu natiijo la’aan ku soo dhamaaday kulankoodu.

Xisbiyada mucaaradka iyo Xukuumadda Somaliland, ayaa aad iskugu khilaafsan furista Ururrada Siyaasadda ee wakhtigan, waxaanay ku doodayaan in doorashada madaxtooyada oo ku beegan dhammaadka sannadkan la qabto, waxaanay Madaxwaynaha ku eedeeyeen inuu furistooda uga dan leeyahay sidii uu meesha uga saari lahaa labada Xisbi, isla markaana uu u soo saari lahaa laba Xisbi oo aan awood mucaaradeed lahayn.

Hadallada Guddoomiyeyaasha Xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland ee UCID iyo Waddani, waxaannu idiinku soogudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan:-